Trump iyo Macron oo Ku Heshiiyay In Kharashka Amniga Ukraine La Wadaago

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii ku heshiiyay in kharashka amniga ee lagu sugayo nabadda Ukraine uu si siman u wadaagaan Mareykanka iyo Yurub.

Kadib markii uu la kulmay Macron in kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Aqalka White House muddo ka badan saacad, Trump ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in madaxweynaha Faransiiska uu "iigu raacay arrimo badan oo muhiim ah," ugu dambeynna in uu waqtigii saxda ahaa yahay si loo soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

"Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in Madaxweyne Macron uu qirayo in kharashka iyo culayska amniga nabadda loo baahan yahay inay qaataan dalalka Yurub, aan kaliya Mareykanku," ayuu yiri Trump. "Yurub waa inay qaaddo kaalinta dhexe ee xaqiijinta amniga muddada dheer ee Ukraine, taas oo ay doonayaan inay sameeyaan, waana tallaabo aan aad u weynayn."

"Taallaabada weyn waxay ku saabsan tahay waxa dhici doona usbuucyada soo socda," ayuu raaciyay, isagoo u muuqda inuu tilmaamayo wada-hadallada nabadeed ee socda.

Macron ayaa aqoonsaday in Yurub ay tahay inay wax badan sameyso "amniga Yurub, difaaca Yurub, iyo inay si cadaalad ah ugu qaybsadaan culayska amniga oo dalkaaga uu muddo dheer qaadayay."

"Yurub waa mid si cad u aragta arrintan. Waan ognahay waxa aan u baahanahay inaan sameyno sidii Yurubiyiin, iyadoo laga eegayo khataraha na horyaala iyo waajibaadka aan qaadayno," ayuu Macron intaa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM