Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

Image

Seoul, Kuuriyada Koonfureed — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo socday hal saac iyo 40 daqiiqo, kaas oo lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, xiriirka dhaqaale iyo amniga gobolka.

Kulankan, oo ka dhacay magaalada Busan ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa qayb ka ahaa safarka Madaxweyne Trump ee Aasiya, wuxuuna dhacay xilli xiisadda ganacsi iyo siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dal ay cirka isku sii shareerayso.

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga, xayiraadaha dhoofinta tignoolajiyadda, iyo mustaqbalka iskaashiga Mareykanka iyo Shiinaha.

Madaxweyne Trump ayaa kulanka ku tilmaamay “mid togan oo wax dhisaya”, halka Madaxweyne Xi Jinping uu sheegay inuu ahaa “fursad muhiim ah oo lagu hagaajin karo xiriirka labada dal”.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in inkastoo aan la gaarin heshiis rasmi ah, haddana labada dhinac ay isku afgarteen in wadahadallada la sii wado si loo yareeyo khilaafaadka ganacsi iyo siyaasadeed ee sii kordhaya.

Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe kasii dartay, kadib markii maamulka Trump uu ku hanjabay inuu kordhin doono canshuuraha badeecadaha Shiinaha, iyo sidoo kale inuu soo rogi doono xayiraado cusub oo ku saabsan dhoofinta qalabka tignoolajiyadda.

Khubarada siyaasadda caalamka ayaa rumeysan in kulankan uu noqon karo tillaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda dhaqaale ee labada quwadood ee dunida ugu waa weyn, inkastoo caqabado badan oo istiraatiji ah ay weli taagan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM