Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Image

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa iska dhaga tiray walaaca laga qabo in xiriirka sii xoogeysanaya ee Shiinaha iyo Ruushka uu halis ku yahay amniga Mareykanka, isagoo ku adkeystay in Washington ay weli haysato awood milatari oo aan lala tartami karin.

Isagoo wareysi siiyay wariyaha muxaafidka ah Scott Jennings Talaadadii, Trump ayaa la weydiiyay haddii uu ka walaacsan yahay isbaheysi suurtagal ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka oo ka dhan ah Mareykanka. Trump ayaa si cad u sheegay inuusan arrintaas ka baqayn.

"Waxaan leenahay ciidanka ugu awoodda badan adduunka – si weyn uga xoog badan kuwa kale," ayuu yiri Trump. "Marnaba kuma dhiiran doonaan inay isticmaalaan ciidankooda naga soo horjeeda. Rumayso, taas waa qaladka ugu weyn ee ay waligood sameyn karaan."

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine, ayaa sidoo kale muujiyay niyad-jab uu ka qabo hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, oo uu sheegay inuusan ku guuleysan in uu heshiis nabadeed la gaaro Kyiv.

"Aad ayaan uga niyad jabsanahay Madaxweyne Putin, taas waan oran karaa. Waxaan sameyn doonnaa wax dadka caawinaya si ay u noolaadaan," ayuu yiri Trump.

"Arrintu ma ahan Ukraine oo keliya, waa sidii dadka loo badbaadin lahaa."

Hadallada Trump ayaa imanaya xilli Shiinaha iyo Ruushka ay sare u qaadayaan iskaashigooda si ay u soo bandhigaan nidaam caalami ah oo ka duwan midka ay hogaamiso Galbeedka.

Toddobaadkan, Madaxweyne Xi Jinping iyo Putin ayaa si adag u dhaliilay saameynta uu Mareykanku ku leeyahay masraxa caalamiga ah, xilli ay ka qaybgalayeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee lagu qabtay magaalada Tianjin ee Shiinaha.

Arbacadii, Putin ayaa goob joog ka ahaa bandhiggii milatari ee ugu weynaa abid ee ay Shiinaha qabato, kaas oo lagu xusayay 80 sano guuradii ka soo wareegtay guushii Shiinaha ka gaaray Japan dagaalkii labaad ee adduunka — dhacdo loo arko mid uu Xi Jinping doonayo inuu ku muujiyo awoodda sii koraysa ee Beijing.

Trump oo la hadlayay wariyeyaasha Aqalka Cad Talaadadii, ayaa sidoo kale diiday in bandhiggaas milatari ee Shiinaha uu yahay fariin toos ah oo lagu cabsiinayo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM