Trump: Ma rabo kulan waqti-lumis ah in aan la yeesho Putin

Image

Washington, D.C. – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay inuu hakiyay shirkii la qorsheeyay inuu la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isagoo sheegay inuusan dooneyn kulan aan natiijo laheyn.

“Ma rabo kulan waqti-lumis ah,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Talaadadii isagoo ku sugnaa Aqalka Cad. “Ma rabo in la igu qasbo kulan aan waxba ka soo bixi doonin, markaa waxaan sugayaa in aan arko sida ay wax u dhacaan.”

Trump ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee isbeddelkaasi ku yimid ay tahay mowqifkiisa ku aaddan dagaalka Ukraine, gaar ahaan dalabkiisa ku saabsan xabbad-joojin degdeg ah oo lagu hakiyo dagaalka isla markaana lagu xoojinayo khadadka dagaalka ee hadda jira.

“Waxaan iri, tagga khadadka hore ee dagaalka, dib u laabta, kala taga, dadkuna ha nasto. Maxaa yeelay, labo dal ayaa is dilaya, toddobaad kasta waxay waayaan kumannaan askari,” ayuu yiri Trump.

Warkan ayaa yimid kadib markii sarkaal ka tirsan Aqalka Cad uu sheegay in qorshihii shir labaad oo lagu waday inuu ka dhaco Budapest, Hungary, la hakiyay kadib wicitaan dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, taasoo mas’uulku ku tilmaamay "mid miro dhal ah".

Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa muujiyay diidmo ku aaddan shuruudda xabbad-joojinta degdegga ah ee uu Trump dalbanayo, taasoo la sheegay inay ka hor imanayso wixii lagu ballamay kulankii hore ee bishii Agoosto ee ka dhacay Alaska.

Lavrov ayaa sheegay in dalabka Trump uu yahay mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii hore, isla markaana uu cadaadis kaga imanayo qaar ka mid ah madaxda Yurub oo doonaya xal ku meel gaar ah halkii laga raadin lahaa mid waara.

Trump, oo wali aan go’aan rasmi ah gaarin, ayaa sheegay inuu “weli sugayo” xaaladda, iyadoo aan la caddeyn in kulankaasi dib loo qorsheyn doono mustaqbalka dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM