Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Image

WASHINGTON - Lataliyeyaasha sare ee Donald Trump ayaa sheegay in Madaxweynaha uu saxiixi doono 100 ilaa 200 oo amar oo horey laga fulin doono maalinta ugu horeysa uu xafiiska kala wareego Biden.

Xafladda xil-wareejinta ayaa ka dhacaysa Aqalka Cad galabnimada Maanta ah, waxaana Mareykanka uu gali doonaa afar sano oo ka duwan kuwii hore, maadaama Trump lagu yaqaano inuu yahay hogaamiye amaradiisa kulul yihiin, oo go'aanka la baqin.

Amarradan ayaa la sheegay inay dabooli doonaan ballanqaadyo waaweyn oo uu Trump sameeyey intii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan:

1- Dib-u-dhigista xayiraadda TikTok ilaa 90 maalmood

2 - Canshuuraha ilaa 25% ah oo lagu soo rogo badeecadaha ka yimaada Mexico iyo Canada

3 - Ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo ka dhanka ah xuduudda Mareykanka iyo Mexico

4 - Xirista xuduudda Mareykanka iyo Mexico

5 - Ku amrida milatariga Mareykanka inay dhisaan kaabayaal dheeraad ah oo ku teedsan xuduudda

6 - Ku magacaabista burcadda Mexico argagixiso caalami ah

7 - Soo celinta xayiraadda ku saabsan adeegsiga transgender-ka ee ciidamada

8 - Joojinta siyaasadaha DEI (Sinnaan, Kala Duwan, iyo Isdhexgal) ee ay hirgelisay maamulkii Biden

9 - Ka noqoshada siyaasado la xiriira baabuurta korontada iyo qorshaha Green New Deal

10- Ka qaadista xayiraadaha ku saabsan sahaminta shidaalka xeebaha iyo dhulka federaalka

11 - Ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo la xiriirta tamarta

12 - Amarro ku saabsan tarxiilka ballaaran ee dadka soo galootiga ah ee sharci-darrada ah

13 - Joojinta dhalashada ilmaha ku dhasha gudaha Mareykanka ee loo aqoonsado muwaadiniin

14 - Soo celinta barnaamijka "Ku sugnaada Mexico"

15 - Cafis ballaaran oo loo fidinayo boqolaal ama xitaa kumanaan ka mid ah dadkii ka qayb galay dibadbaxyadii iyo rabshadihii Janaayo 6.

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho gudaha Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM