Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer
Washington – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay heshiis 30 sano soconaya oo dhanka tamarta nukliyeerka ah oo lala galay Sacuudi Carabiya, kaas oo u oggolaan kara boqortooyada inay horumariso barnaamij nukliyeer oo rayid ah, isla markaana suuragal ka dhigaya kobcinta yuraaniyamka gudaha dalka iyadoo la raacayo shuruudo gaar ah.
Heshiiska, oo lagu qiyaasay inuu qiimihiisu gaarayo tobannaan bilyan oo doollar, ayaa la filayaa inuu siiyo shirkadaha Mareykanka doorka ugu weyn ee dhismaha kaabayaasha nukliyeerka ee Sacuudiga, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in la dhiso xarun kobcinta yuraaniyamka haddii daraasad wadajir ah oo Mareykan iyo Sacuudi ah ay ku taliso.
Maamulka Trump ayaa sheegay in heshiisku uu xoojinayo saameynta Mareykanka ee barnaamijka nukliyeerka Sacuudiga isla markaana uu ka hortagayo in tiknoolajiyadaasi loo adeegsado ujeeddooyin militari. Si kastaba ha ahaatee, khubaro iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay in heshiisku uu kordhin karo halista faafitaanka hubka nukliyeerka ee Bariga Dhexe.
Heshiiska ayaa ka duwan heshiisyadii hore ee Mareykanku la galay waddamo kale oo gobolka ah, maadaama uusan ku jirin qaar ka mid ah dammaanadaha adag ee ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka. Sidoo kale, maamulka Trump ayaa ka laabtay shuruud uu maamulka Biden hore u dejiyay oo ahaa in Sacuudigu caadiyeeyo xiriirka uu la leeyahay Israa'iil ka hor iskaashi nukliyeer.
Heshiiska ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo, inkastoo xannibaaddiisu ay u baahan tahay aqlabiyad gaar ah oo labada aqal ah.
GAROWE ONLINE