Trump oo "baxsanaya" kahor caleemasaarka Biden

Image

WASHINGTON, US – Warar xan ah oo la isla dhexmarayo gduaha Mareykanka ayaa sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo in uu ka baxsado xafladda calaama saarka Joe Biden una duulo Scotland.

Trump oo si furan u muujiyey gadoodkiisa ka dhanka ah guuldarada uu kasoo hooyey doorashooyinka Mareykanka ayaa sii wada in uu muran geliyo labinta madaxweynaha codadka badan lagu doortey ee Joe Biden.

Madaarka The Prestwick ayaa lagu waramay in wargeliyey in uu isku-diyaariyo imaanshiyaha diyaarad milatari oo nooceedu yahayBoeing 757 taasoo Trump uu adeegsaday maalin kahor inta uusan xilka la wareegin Biden.

Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa la filayaa in uu xilka la wareego 20-ka bishaan Janaayo sanadka cusub ee 2021-ka.

Diyaarad kasta oo uu raacayo Trump oo ay ku jirto midda uu shaqsi ahaan u leeyahay ayaa xilli kasta iska sii horumarisa wargelin kahor duulimaadka – ugu yaraan waxaa la diraa todobaad kahor safarka bilyineer-kan.

Sidda laga soo xigtay Jariiradda Mail Online, madaxweynaha xilka kasii degaya ayaa aad ugu taxan magaaladda Prestwick isla markaana uu ku leeyahay qalcad lagu cayaaro golf laguna magacaabo Trump Turnberry.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa diidey in uu ka jawaabo shaqada uu Trump qaban doono maalinta caleema-saaka Biden. Tani waxay sii xoojisay baqdinta iyo walaaca laga qabo Donald Trump uu xaadirayo munaasabada.

Hadii ay dhacdo in Donald Trump oo musharax madaxweyne ah 2024-ka uu kasoo muuqan waayo munaasabadda xil ka wareegida Biden, waxay noqon doontaa dhacdo naadir ah oo soo martay taariikhda dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM