Trump oo "baxsanaya" kahor caleemasaarka Biden

Image

WASHINGTON, US – Warar xan ah oo la isla dhexmarayo gduaha Mareykanka ayaa sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo in uu ka baxsado xafladda calaama saarka Joe Biden una duulo Scotland.

Trump oo si furan u muujiyey gadoodkiisa ka dhanka ah guuldarada uu kasoo hooyey doorashooyinka Mareykanka ayaa sii wada in uu muran geliyo labinta madaxweynaha codadka badan lagu doortey ee Joe Biden.

Madaarka The Prestwick ayaa lagu waramay in wargeliyey in uu isku-diyaariyo imaanshiyaha diyaarad milatari oo nooceedu yahayBoeing 757 taasoo Trump uu adeegsaday maalin kahor inta uusan xilka la wareegin Biden.

Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa la filayaa in uu xilka la wareego 20-ka bishaan Janaayo sanadka cusub ee 2021-ka.

Diyaarad kasta oo uu raacayo Trump oo ay ku jirto midda uu shaqsi ahaan u leeyahay ayaa xilli kasta iska sii horumarisa wargelin kahor duulimaadka – ugu yaraan waxaa la diraa todobaad kahor safarka bilyineer-kan.

Sidda laga soo xigtay Jariiradda Mail Online, madaxweynaha xilka kasii degaya ayaa aad ugu taxan magaaladda Prestwick isla markaana uu ku leeyahay qalcad lagu cayaaro golf laguna magacaabo Trump Turnberry.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa diidey in uu ka jawaabo shaqada uu Trump qaban doono maalinta caleema-saaka Biden. Tani waxay sii xoojisay baqdinta iyo walaaca laga qabo Donald Trump uu xaadirayo munaasabada.

Hadii ay dhacdo in Donald Trump oo musharax madaxweyne ah 2024-ka uu kasoo muuqan waayo munaasabadda xil ka wareegida Biden, waxay noqon doontaa dhacdo naadir ah oo soo martay taariikhda dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM