Trump oo dharbaaxo kala kulmay dacwad uu gudbiyey

Image

WASHINGTON, US – Maxkamadda Sarre ee Mareykanka ayaa diidey dacwad uu gudbiyey gobolka Texas isla markaana uu taageeray madaxweyne Donald Trump taasoo uu ku doonayay in lagu buriyo guusha Joe Biden.

Talaabadan ayaa dharbaaxo wax ku ool ah waxay ku tahay isku dayo badan oo Trump u sameeyay si uu waxba kama jiraan uga dhigo madaxweynaha la doortey ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka.

Sidda laga soo xigtay xeer-beegtadda, ka sokow in mooshinka Taxes uu baalmarsan yahay dastuurka Mareykanka, haddana waxa cabashada la isaga indhatiray tirooyinka Pennsylvania iyo saddex gobol kale.

"Texas ma aysan soo bandhigin dood sharciyeed oo la aqoonsan karo oo ku saabsan qaabka uu gobol kale u fulinayo doorashadiisa," ayay tiri maxkamadda oo go'aankeeda uu soo baxay Jimcadii waqtiga Mareykanka.

Trump ayaa dhowr jeer wuxuu isku dayay in uu meesha ka saaro natiijooyinka doorashooyinkii 3-dii November. Balse waxaa muuqaneysa in dhamaan isku dayadiisa aysan midkoodna uga soo bixin wax guul ah.

Biden oo lagu dhawaaqay in uu yahay guuleystaha markii uu helay codad ku filan oo ah Ergooyinka Doorashooyinka ayaa durba wuxuu bilaabay in uu magacaabo mas'uuliyiinta wasaaradaha iyo naqshadeynta maamulkiisa.

Horaanta sanadka cusub ee 2021 ayaa qorshuhu yahay in Trump uu xilka ku wareejiyo Biden kaasoo horey u soo noqdey Senator iyo Madaxweyne ku xigeen. Balanqaadyo qaar dan u ah Soomaalidana wuu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM