Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Image

WASHINGTON, May 6, 2025 – Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay in la dhimayo boqolkiiba 20 tirada jeneraalada iyo taliyeyaasha ciidan-badeed ee Mareykanka ee leh darajada ugu sarreysa ee afar-xiddigle ah, taasoo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo qaabka iyo hufnaanta ciidamada dalkaas.

Sida ku cad warqad xafiiskiisa uu diray, Hegseth wuxuu sidoo kale amray in la yareeyo boqolkiiba 10 tirada guud ee saraakiisha ciidan ee leh darajooyinka guud ahaan guudmar ah (generals iyo flag officers), iyo in si gaar ah loo dhimo boqolkiiba 20 jeneraalada ka tirsan Ciidanka Qaranka Mareykanka (National Guard).

Xogtii ugu dambeysay ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa muujinaysa in ilaa 31-ka Maarso 2025 ay ciidamada Mareykanka lahaayeen 38 sarkaal oo ah afar-xiddigle – darajada ugu sarreysa ee ciidamada.

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray “Jeneraal Yar, Askari Badan” ay tahay mid lagu xoojinayo diyaargarowga istaraatiijiyadeed iyo hawlgalka ciidamada.

“Wax badan oo jeneraal ah micnaheedu ma aha guul badan,” ayuu yiri Wasiirka isagoo intaas raaciyay: “Tani ma ahan olole ciqaabeed oo ka dhan ah saraakiisha sarsare ee ciidamada. Waxaa si wacan looga tashaday, waxaana lala kaashaday Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka (Joint Chiefs of Staff), ujeeddaduna waa in la kordhiyo waxtarka iyo hufnaanta istaraatiijiyadeed.”

In kasta oo uusan caddeyn xilligan xilalka la dhimayo iyo cidda saameynta tooska ah ku yeelan doonta, tirada jeneraalada afar-xiddigle ah waxaa ka mid ah taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka (Chairman of the Joint Chiefs), taliyaha ciidanka dhulka, ciidamada cirka, ciidamada badda, iyo hoggaamiyeyaasha taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Yurub (EUCOM), iyo Kuuriya (USFK).

Go'aankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu waday dadaallo ballaaran oo lagu yareynayo hay’adaha dowladda federaalka, isla markaana lagu sifeynayo dadka loo arko inay yihiin mucaarad siyaasadeed.

Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo, Madaxweyne Donald Trump ama masuuliyiinta hoose ee xukuumaddiisa ayaa shaqada ka ceyriyey saraakiil sare oo muhiim u ahaa hoggaanka ciidamada Mareykanka.

Taliyeyaasha sare ee la ceyriyey waxaa ka mid ah General Charles Q. Brown, oo ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Mareykanka (Chairman of the Joint Chiefs of Staff), iyo Admiral Lisa Franchetti, oo ahayd Taliyaha Ciidamada Badda Mareykanka (Chief of Naval Operations).

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbedel ballaaran oo ay wado xukuumadda Trump, kaas oo la sheegay inuu yahay dadaal lagu xakameynayo siyaasadeynta iyo buunbuuninta maamulka ciidamada, hase yeeshee dhaliilayaal ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid siyaasadaysan oo wiiqeysa madaxbannaanida iyo niyadda ciidamada qalabka sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda…

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 11:31PM

Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka

Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 12:48PM