Trump oo faafinaya xogo ku saabsan dil loo geystay Madaxweynihii Mareykanka 1963

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay warbixinnadii ugu dambeeyey ee ku saabsan dilkii Madaxweynihii hore ee John F. Kennedy (JFK) – kiis ilaa maanta ay soo jiidanayso xogo iyo shaki badan in ka badan 60 sano kadib.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay amar fulineed oo ka yimid Madaxweynaha Donald Trump, kaas oo faray in dhammaan faylasha la qariyay ee kiiskan in la shaaciyo.

Khubarada ayaa hadda si taxaddar leh u eegaya warbixinnada, iyadoo qaar ka mid ah aan wali si buuxda loogu daabicin internet-ka. Waxay sheegeen in hawshu qaadan doonto waqti, islamarkaana aysan rajeynayn inay helaan waxyaabo waaweyn oo cusub.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u soo saartay boqolaal kun oo dukumiinti oo ku saabsan kiiskan, laakiin qaar ka mid ah ayaa laga qariyey sababo la xiriira arrimaha amniga qaranka. In badan oo ka mid ah shacabka Mareykanka ayaa weli aaminsan in qofka rasaasta ku dilay Kennedy, Lee Harvey Oswald, uusan kali ku ahayn falkaas.

Kennedy waxaa lagu toogtay inta uu ku jiray booqasho magaalada Dallas, Texas, taariikhdu markay ahayd 22kii Nofeembar 1963.

Trump ayaa horey u sheegay in 80,000 oo bog oo fiilka kiiskan ku jiray lala wadaagi doono shacabka Mareykanka, si wax badan uga ogaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo guulo ka sheegtay dagaalka Iran xili khasaaraha Mareykanka kordhay

Trump ayaa sidoo kale soo saaray digniin kulul, isagoo xusay in Mareykanku uu awoodo inuu sameeyo "wax intaas ka sii xun.

  • Caalamka

    11-03-2026

  • 10:36PM

Iiraan oo ku hanjabtay in hal litir oo shidaal ah uusan ka gudbi doonin marinka Hormuz

Afhayeen u hadlay taliska militariga ee Khatam al-Anbiya ayaa sheegay in maraakiibta xiriirka…

  • Caalamka

    11-03-2026

  • 09:40PM