Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hakisay weerar militari oo la qorsheeyey in Talaadada lagu qaado dalka Iran, kadib codsiyo uga yimid hoggaamiyeyaasha Qatar, Sucuudiga  iyo Imaaraadka. 

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman Al Saud, iyo Madaxweynaha Imaaraadka Mohamed bin Zayed Al Nahyan ay ka codsadeen in la hakiyo weerarka iyadoo ay socdaan “wadahadallo culus” oo ku saabsan xiisadda gobolka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu faray Wasiirka Difaaca Pete Hegseth, Taliyaha Ciidamada Mareykanka General Daniel Caine iyo militariga Mareykanka in aan la fulin weerarka qorsheysnaa, balse ciidamada loo diyaariyo weerar ballaaran haddii heshiis la gaari waayo.

Dhanka kale, warar kasoo baxaya Iran ayaa sheegaya in nidaamyada difaaca cirka laga hawlgeliyey jasiiradda Qeshm Island iyo agagaarka marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday.

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM