Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Image

Riyadh ( GO) - Madaxweyne Donald Trump oo khudbad ka jeediyay Riyadh ayaa si weyn u ammaanay Amiirka Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye keeney isbeddel casri ah. Trump wuxuu sheegay in Riyadh ay noqotay magaalo ganacsi oo leh  tiknoolajiyad horumarsan, taasoo tusaale fiican u ah Bariga Dhexe.

Trump wuxuu dhaleeceeyay reer galbeedka oo uu ku eedeeyay inay dalal badan ku lug yeesheen iyagoo sheegay inay caawinayaan, balse taa beddelkeeda ay sababeen burbur iyo dhibaatooyin. Wuxuu tusaale u soo qaatay magaalooyinka Kabul iyo Baghdad oo lacag badan lagu bixiyay, laakiin aan wax horumar ah laga gaarin.

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale ee gobolka ay keeneen dadkooda iyaga oo aan wax caawimaad ah ka helin reer galbeedka. Wuxuu sheegay in dad badan oo Mareykanka ah ku khaldanaayeen inay ku fikiraan in la farageliyo dalal kale si loo dhiso.

Trump ayaa safiirka Mareykanka u fadhiya Sucuudiga ku sheegay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, iyadoo sidoo kale laga hadlayo arrimo amni sida barnaamijka nukliyeerka Iran iyo dagaalka Gaza. Wuxuu ku adkeystay in isbeddelka gobolka uu ka yimid dadka Sucuudiga, halkii laga sugi lahaa faragelin dibadda ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM