Trump oo iibinaya diyaaradiisa gaarka ah kadib guuldarada doorashada

Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu waramay in uu iibinayo mid kamid ah diyaaradiisa helicopter-ka shaqsiga ah kadib markii looga adkaaday doorashooyinkii sanadka 2020-ka.

Sidda laga soo xigtay TMZ, Trump ayaa leh saddex helicopter oo nooca Sikorsky S76-B ah iyo diyaarad kale oo qaas ah kuwaasoo aan xiriir la lahayn Aqalka Cad. Mid kamid ahna ayuu go'aansaday in uu beeciyo.

Shirkadda qaabilsan iibinta diyaaradaha tafaariiqda ah ee Aero Asset ayaa la sheegay in ay dulaal ka tahay diyaaradda beeca ah.

Suuqyadda caalamka ayaa la qiyaasay in ay ka joogto $700k-$800k, iyadoo mala-awaalo kale ay ku sheegayaan hal illaa laba milyan Doolar.

Mareegga TMZ ayaa tibaaxay in diyaaradda uu Trump beecinayo ay tahay mid uu muddooyinkii ugu dambeeyay adeegsanayey si gaar ah ololihii doorashadda 2016-kii ayna mar kasoo muuqatay Barnaamijka The Apprentice.

Diyaaradan leh lix kursi, suuman dahab ka sameysan iyo qaboojiyo ayaa jirta 31-sano, waxayna ku jirtaa geris ku yaala ismaamulka New Jersey.

Inkasta oo suuqa online-ka ay taalo tan iyo bishii August, haddana wali lama shaacin qiimaha lagu iibinayo. Balse, waxaa la wariyey in kooxda Trump ay quudareynayaa in cidii dooneysa in ay iibsato ay lasoo xiriirto.

Wallow ay jiri karaan sababo kale oo ku riixay Trump in uu iibiyo hantidan, haddana qaar kale ayaa rumeysan in uu doonayo in uu kaga soo kabto dhaqaalaha faraha badan ee ku baxay ololihiisa coddeynta xagaagan sii dhamaanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM