Trump oo Israa’iil siinaya Hub Cusub xili ay xasuuq kawado Gaza

Image

WASHINGTON - Maamulka Donald Trump, ayaa Congress-ka la wadaagay qorshe ah in Israa’iil lagu siiyo hub qiimihiisu gaarayo ku dhawaad $6 bilyan, taasoo ah taageero hor leh oo la siiyo xulufada Mareykanka xilli ay wajahayso go'doomin siyaasadeed oo sii kordheysa sababo la xiriira dagaalka Gaza.

Sida ay sheegeen sarkaal Mareykan ah iyo qof kale oo xog-ogaal u ah qorshahan balse codsaday in aan magaciisa la shaacin, heshiiska ayaa ka kooban:

$3.8 bilyan oo loogu talagalay 30 diyaaradood oo ah AH-64 Apache, kuwaas oo ku dhowaad laban-laabaya tirada diyaaradaha noocan ah ee Israa’iil hadda haysato.

$1.9 bilyan oo loogu talagalay 3,200 gaari dagaal oo loogu talagalay ciidamada lugta ee Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee, hubkan lama filayo in la keeno Israa’iil ugu yaraan laba illaa saddex sano gudahood – ama xitaa muddo ka dheer.

Iibka weyn ee hubkan ayaa imaanaya xilli dadaalladii Mareykanka ee lagu doonayey in lagu soo afjaro dagaalka laba sano jirsaday ee Israa’iil ku hayso Gaza ay hakad galeen. Waxaana sidoo kale ka dambeeyay weerarkii Israa’iil ay ku beegsatay hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugnaa Doha, Qatar, kaas oo dhaleeceyn weyn kala kulmay dalalka carabta ee xulafo la ah Mareykanka.

Iyadoo cadaadis caalami ah oo ku socda Israa’iil uu sii kordhayo, isla markaana xildhibaano Dimuqraadi ah oo Mareykan ah ay isku dayayaan in ay hor istaagaan iibka hubka weerarka ah, hadana Mareykanku wuu sii wadaa taageeradiisa milatari ee Israa’iil.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ka gaabsatay in ay faallo ka bixiso iibka hubkan, kaas oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay wargeyska The Wall Street Journal.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa billowday duullaan cusub oo ay ku doonayso in ay si buuxda ula wareegto magaalada Gaza, xilli urur caalami ah oo cilmi-baareyaal ah oo ku takhasusay daraasadda xasuuqa ay sheegeen in Israa’iil ay xasuuq ka geysaneyso Gaza.

Dowladda Ingiriiska, oo sanadkii hore hakisay dhoofinta hub gaar ah oo loo dirayo Israa’iil sababo la xiriira cabsi laga qabo ku xadgudubka xeerarka bini’aadantinimo ee caalamiga ah, ayaa dhawaan sidoo kale mamnuucday mas’uuliyiinta dowladda Israa’iil ka qeybgalka carwadii hubka ee ugu weynayd dalkaasi.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM