Trump oo jawaab culus kala kulmay Canshuurta uu kusoo rogay Canada iyo Mexico

Image

OTTAWA — Dowladah Canada iyo Mexico ayaa si isku mid ah ugu jawaabay, canshuur-kordhinti uu Sabtidi badeecadaha ay u soo dhoofiyaan Mareykanka saaray madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidi sheegay in ay dhaqan gashay tacriifta uu horay u saaray badeecadaha Mexico, Canada iyo Shiinaha. Canada iyo Mexico ayuu dul dhigay canshuur kordhin dhan %25. Mexico iyo Canada ayaa Axaddii shalay iyaguna ku dhawaaqay in si aargoosi ah ay 25% u saareen badeecadaha uu Mareykanka geeyo dalalkooda.

Canada waxay sheegtay in Talaadada berrito ah ay dhaqan geli doonto canshuur kordhinta koowaad oo ay sheegtay in ay saartay cabitaannada, alaabaha la isku qurxiyo, iyo warqadaha. Badeecadahaasi ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 20 bilyan oo dollar.

Wajiga labaad ayay sheegtay in ay saari doonto alaabo kale oo uu Mareykanka Canada u iib geeyo oo ay ku jiraan baabuurta yar yar, kuwa xammuulka, biraha iyo jaandiga, khudaarta iyo hilibka xoolaha iyo kuwa doofaarka.

Badeecadahaasi ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 85 bilyan oo dollar sannadkiiba.
Dhanka Mexico, dowladdu waxay ilaa iyo hadda sheegtay kaliya in ay ku soo rogi doonto Mareykanka canshuuro aargoosi ah, iyada oo aan faah-faahin qiimaha iyo badeecadaha.

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM