Trump oo joojiyey $400 milyan oo deeq ah loo siin jiray Jaamacadda Columbia

Image

WASHINGTON — Maamulka Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ay joojiyay $400 milyan oo ah deeqo iyo qandaraasyo federaal ah oo la siin jiray Jaamacadda Columbia, tallaabo aan horey loo arag oo ay ku sababeysay in Jaamacaddu aysan si wanaagsan u difaacin ardayda Yuhuudda ah ee la kulmayey handadaad iyo cadaadis intii ay socdeen dibadbaxyo lagu taageerayay shacabka Gaza.

Go’aankan ayaa sare u qaaday cadaadiska ay xukuumadda Trump saareyso Columbia, oo noqotay xarun ka taagan dood weyn oo ku saabsan xorriyadda hadalka, amniga ardayda iyo ka hortagga nacaybka Yuhuudda, kaddib mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeday xasuuqa Israel ee Gaza.

Joojinta deeqahan waxa ay qeyb ka tahay duullaan ballaaran oo ay xukuumadda Trump ku hayo Jaamacadaha waaweyn ee dalka, kaddib markii ay baarlamaanku su’aalo adag weydiiyeen madaxda jaamacadaha Harvard iyo Pennsylvania. Waxa kale oo tan ay daba socotaa amarro madaxweyne oo dhowaan lagu mamnuucay barnaamijyada kala-duwanaanta iyo sinnaanta ee Jaamacadaha hela dhaqaalaha dowladda deeq ahaan u siisa xarumaha waxbarashadda.

Linda McMahon, xoghayaha cusub ee waxbarashada, ayaa Isniintii hore si cad ugu digtay Columbia in haddii aysan tallaabo degdeg ah ka qaadin arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka, ay lumin doonto maalgelinta dowladda, taasoo ah il-dhaqaale muhiim ah oo ay ku tiirsan yihiin jaamacadaha cilmi-baarista.

Bayaan ay soo saareen Wasaaradaha Cadaaladda, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada Guud, ayaa lagu sheegay in Columbia University ay weli la tacaaleyso dibadbaxyo iyo dhacdooyin lagu tilmaamay naceyb Yuhuudda ka dhan ah, inkasta oo ay weli jirto doodo adag oo ku saabsan sida dibadbaxyada Falastiiniyiinta ay uga tarjumayaan nacaybka Yuhuudda.

Ma cadda qandaraasyada iyo deeqaha si toos ah loo joojiyey, balse Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa la filayaa inay si degdeg ah u hakiyan maalgelin ay horey jaamacadda u siisay. Waxaa kale oo lagu sheegay in tani ay tahay “tallaabadii ugu horreysay” ayna jiri doonaan go’aanno kale oo xiga.

Jaamacadda Columbia ayaa sannadkii 2024 heshay in ka badan $6.6 bilyan oo doollar, in ka badan rubuc ka mid ah dhaqaalahaasna wuxuu ka yimid dowladda federaalka. Hay’adda Qaranka ee Cilmi-Baarista Caafimaadka ayaa jaamacadda siisay $747 milyan sannadkii hore, halka $206 milyan ay ka timid barnaamijyada kale ee Wasaaradda Caafimaadka.

ColumbiaUniversity ayaa sidoo kale wajahaysa saddex baaritaan oo federaal ah oo la xiriira eedeymo ku saabsan nacayb ka dhan ah Yuhuudda oo lagu sameeyey bilihii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadashay Columbia ayaa sheegtay in jaamacaddu ay dib u eegayso go’aanka, islamarkaana ay dooneyso in ay la shaqeyso dowladda si loo soo celiyo maalgelinta.

Jaamacadda Columbia ayaa sanadkii hore noqotay xarun ay ka socdaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dagaalka Gaza, iyada oo ardaydu dhiseen teendhooyin bannaanbax ah oo ay ku muujinayeen taageeradooda Falastiiniyiinta. Taas ayaa dhiirrigelisay bannaanbaxyo kale oo ka dhacay jaamacado badan oo Mareykanka ah.

Balse bannaanbaxyada Columbia ayaa dhaliyey muran xoogan, kaddib markii arday Yuhuud ah ay sheegeen in ay la kulmeen hanjabaad iyo naceyb. Waxaa kale oo soo baxay calaamado iyo erayo ay dad badan u arkeen kuwo lagu yasi karo dhibaatada dadka Yuhuudda ah, gaar ahaan weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023.

Weerarkaas oo ay Xamaas iyo kooxaha kale la beegsadeen Israa’iil ayaa lagu dilay ku dhawaad 1,200 qof, halka 250 qof oo kale la afduubtay. Israa’iil ayaa wixii intaas ka dambeeyey qaaday dagaal ba’an oo Gaza ka socday, kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof, barakicinta in ka badan labo milyan iyo burburinta kaabayaashii dhaqaalaha ee Gaza.

Jaamacadda Columbia ayaa ugu dambeyn booliska New York ka codsatay inay farageliyaan si loo joojiyo mudaharaadyada. Booliska ayaa xirey 109 qof, intooda badan arday, markii ay xoog kusoo galeen dhismeyaasha jaamacadda.

Arrintaas ayaa dhaliyey dhaleecayn culus, iyada oo qaar ka mid ah macallimiinta iyo maamulka jaamacadaha kale ay ka caroodeen in arday lagu xiro awood boolis. Tallaabadan ayaa sidoo kale sare u qaadday cadaadiska ka dhanka ah Minouche Shafik, oo xilka ka degtay bishii Agoosto kaddib markii ay la tacaali waysay xiisadda bannaanbaxyada.

Dhanka kale, ardayda qaar iyo barayaal jaamacadeed ayaa si weyn uga caroodey go’aanka xukuumadda Trump ee ah in la hakiyo maalgelinta federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Syria: 1,000 qof oo ku dhintay dagaal u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada 

Isku dhacyada ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda cusub ee Suuriya iyo xoogag daacad u ah madaxweynihi xilka laga tuuray ee Bashar Assad.

  • Caalamka

    09-03-2025

  • 02:32PM

Xuutiyiinta Oo Afar Maalin u qabtay Israa’iil Inay Gargaarka Bani’aadamnimada u Fasaxdo Gaza

Talaadadii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Xuutiyiinta loo aqoonsaday "Urur Argagixiso Ajaanib ah."

  • Caalamka

    08-03-2025

  • 07:48AM