Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Image

WASHINGTON, USA — Madaxweyne Donald Trump ayaa ka difaacay Dhaxal-Sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, su'aal ku saabsan dilkii wariyaha Jamal Khashoggi ee 2018, isagoo yiri “wax walba way dhacaan”.

Trump ayaa ku sheegay in Maxamed Bin Salman aanu mas’uul ka ahayn dilka tooska ah, isla markaana aanu ogayn waxa dhacay. Dhanka kale, Dhaxal-Sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in dilka uu ahaa qalad, isla markaana la qaaday tallaabooyin looga hortago in xaalad la mid ah mar kale dhacdo.

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah iyo iskaashi dhanka tamarta iyo tiknoolajiyada.

Difaaca Trump ee Maxamed Bin Salman ayaa dib u soo nooleynaya muran caalami ah oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda, iyadoo dilka Khashoggi uu weli yahay arrin xasaasi ah oo si weyn looga hadlo.

Khashoggi wuxuu ahaa wariye Washington Post maqaallo ku qora, isagoo aad u dhaliil jiray qaabka uu Maxamed Bin Salman u maamulo Sacuudiga, wuxuuna wariye ugu dambeynta ku baxay gacanta dowladda Sacuudiga, isagoo lagu dilay qunsuliyadda KSA ee Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM