Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Image

WASHINGTON — Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa sheegay in inkasta oo weerarro militari oo lagu beegsanayo goobo gaar ah oo ku yaalla Iran—gaar ahaan goobaha nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer—ay weli ka fiirsanayaan madaxweynaha, haddana isaga iyo saraakiil kale ay doorbidayaan xal diblomaasiyadeed.

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran, balse ay jirto rabitaan xooggan oo lagu dooranayo wada-hadal halkii laga qaadi lahaa tallaabo militari.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Washington Post, Vance ayaa sheegay in haddii weerarro dhacaan, aysan jirin wax fursad ah oo Mareykanka ku geli karo dagaal daba dheeraada oo ka dhaca Bariga Dhexe.

“Fikradda ah inaan ku jiri doonno dagaal Bariga Dhexe ah oo sanado badan soconaya oo aan dhammaad lahayn—taasi ma dhici doonto,” ayuu yiri Vance, isagoo ka soo laabanayay safar uu ku tegay gobolka Wisconsin.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu weli isku arko “shakiile ku aaddan faragelinta militari ee dibadda,” isagoo tilmaamay in aragtidaas ay sidoo kale khuseyso madaxweyne Trump.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo weli la isku dayayo in xal diblomaasiyadeed laga gaaro muranka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM