Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si lama filaan ah uga noqday casuumaad uu u diray Dowladda Canada si ay ugu biirto hindise cusub oo uu ugu magac daray “Guddiga Nabadda,” kaas oo uu ku sheegay in lagu xallinayo khilaafaadka caalamiga ah. Tallaabadan ayaa timid wax yar kadib khudbad uu Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ka jeediyay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.
Qoraal uu Trump ku baahiyay bartiisa Truth Social, ayuu si toos ah ula hadlay Carney, isagoo sheegay in casuumaaddii Canada laga noqday, kuna adkeystay in guddigan uu noqon doono mid ay ku mideysan yihiin “hoggaamiyeyaasha ugu miisaanka culus ee dunida.”
Khudbaddii Carney ee Davos, oo ay ka qeyb galeen hoggaamiyeyaal badan oo caalami ah, ayaa si weyn diiradda u saartay dhaleeceynta dalalka awoodda leh ee isticmaalaya isku xirnaanta dhaqaale iyo canshuuraha ganacsiga si ay cadaadis ugu saaraan kuwa kale. Waxa uu sheegay in dunidu u muuqato mid ka guureysa nidaamkii ku dhisnaa xeerar caalami ah, taas oo dhalisay sacab istaag aan caadi ahayn oo ka yimid dadkii dhageysanayay.
Trump, dhankiisa, ayaa dhawaan ku hanjabay in uu bilaabi doono dagaal ganacsi oo ka dhan ah dalal Yurub ah oo ka horyimid qorshihiisa la xiriira in Mareykanku la wareego Greenland, oo ah dhul is-maamul hoos yimaada Boqortooyada Denmark.
Carney waxa uu intaas ku daray in Canada, oo heshiis ganacsi la saxiixatay Shiinaha, ay tusaale u noqon karto sida dalalka awoodda dhexe leh ay isu kaashan karaan si ay uga hortagaan in lagu dulmiyo saameynta dal weyn. Hadalkan ayaa kiciyay jawaab adag oo ka timid Trump, kaas oo sheegay in Canada “ku nooshahay garabka Mareykanka,” isla markaana Carney ugu baaqay in uu xusuusto “deeqsinimada” Washington.
Ka noqoshada casuumaadda ayaa dhacday saacado kadib markii Trump si rasmi ah u shaaciyay guddigan intii uu ku sugnaa Davos. Toddobaad ka hor, xafiiska Carney ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu qorsheynayay in uu aqbalo xubinnimada guddiga.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dalalka ku biiray, haddana wararka ayaa sheegaya in dalal ay ka mid yihiin Argentina, Bahrain, Morocco, Pakistan iyo Turkiga ay horey u muujiyeen taageero. Dalal kale oo xulafo la ah Mareykanka, sida UK, France iyo Talyaaniga, ayaa muujiyay in aysan hadda ka qeyb qaadan doonin.
Trump ayaa ku adkeystay in “dal kasta uu doonayo inuu ka mid noqdo,” isaga oo xusay in ku dhowaad 30 dal ay muujinayaan xiisaha, inkasta oo qaar hoggaamiyeyaal ah ay u baahan yihiin oggolaansho baarlamaannadooda. Waxa uu si gaar ah u xusay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni iyo Madaxweynaha Poland Karol Nawrocki.
Sida uu Trump sheegay, dalalka xubin rasmi ah noqonaya waxaa laga filayaa in midkiiba bixiyo hal bilyan oo doolar si lagu taageero miisaaniyadda guddiga. Ujeeddadii hore ee hindisahan ayaa ahayd in koox yar oo hoggaamiyeyaal ah ay kormeeraan wejiga labaad ee xabbad-joojinta Gaza, balse hadda waxa uu isu beddelay qorshe ballaaran oo saameyn caalami ah leh.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya qaabka uu hindisuhu ula xiriiro qorshaha nabadda ee Gaza, sida uu xaqiijiyay afhayeenka UN-ka, Rolando Gomez.
GAROWE ONLINE