Trump oo ku faanay abaal uu u galay Bin Salmaan kadib dilkii Khashoggi

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donlad Trump, ayaa la sheegay in uu ku faanay in uu isagu badbaadiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, kadib dilka wariyihii dibad-jooga ahaa, Jamal Khashoggi.

Sidda lagu sheegay Buug uu qoray saxafiga Bob Woodward kaasoo soo baxaya 15-ka September, Trump ayaa rumeysan in uu isagu yahay qofka fadeexada ka badbaadiyey Maxamed Bin Salmaan kadib falkaas foosha xun.

"Aniga ayaa u badbaadiyey [sumcadiisa]," ayuu Trump ka yiri carada gudaha Mareykanka kadib khaarijintii Khashoggi, sidda laga soo xigtay wargeyska Business Insider oo soo xiganaya nuqul kamid ah Buuga Woodward.

Trump oo u riyaaqsan falkiisa ayaa ku daray: "Waxaana awooday in Congress-ka uu diro isaga kaligiisa. Waxaan awooday in aan joojiyo iyaga".

Xogtaan ayaa ku saleysan, sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, wada-sheekeysi 22-kii Janaayo dhexmaray Trump iyo saxafiga Woodward.

Wada-sheekeysigaas telefoonka lana baahiyey codadka todobaadkii hore isla markaana dood ka dhaliyey Mareykanka ayaa dhacay xilli Trump uu ka qeybgalayey Shirka Dhaqaalaha Dunida ee Davos, Switzerland 22-kii Janaayo.

"Madaxweynaha wuxuu u sheegay Woodward in uusan aaminsaneyn in dhaxal-sugaha uu amray dilka wariyaha, inkasta oo sirdoonka Mareykanka iyo qaar kale ay sheegeen in Bin Salmaan amray khaarijinta," ayuu xusay.

Kadib geerida Khashoggi, Trump ayaa awoodiisa madaxweyne ku laalay saddex Xeer oo Aqalka Sare kasoo saarey dhacdadaas oo ay ku jirtay joojinta heshiis iibinta hub kaasoo ku kacayey aduun dhan 8 bilyan oo Doolar.

Jamal Khashoggi oo ahaa falanqeeye sarre lana shaqeynayey wargeyska Washington Post ayaa waxaa lagu dhex-dilay qunsulyada Sacuudiga ee Istanbul, Turkiga, halkaasoo uu ka doontay warqadaha guurka ee lamaantiisii Hatice Cengiz.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya

Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:31PM