Trump oo ku hanjabay inuu labanlaabi doono canshuuraha Canada

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu labanlaabi doono canshuuraha birta iyo aluminiumka laga keeno Kanada, taasoo ah xoojinta khilaafka dhaqaale ee sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Kanada, oo ah wadanka ugu weyn ee ganacsi la leh Maraykanka.

Trump ayaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Truth Social in canshuuraha ka dhigi doono 50% laga bilaabo Arbacada. Talaabadan ayaa ku timaada kaddib markii gobolka Ontario ee Kanada uu soo rogay 25% canshuur ah oo ku saabsan korontada Kanada ee laga isticmaalo Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in Kanada ay ka saarto canshuuraha ay saartay badeecadaha Maraykanka, isagoo ku hanjabay inuu "si weyn u kordhin doono" canshuuraha laga qaado gawaarida laga keeno Kanada haddii Kanada aysan ka saarayn "canshuuraha kale ee xadgudubka leh ee muddada dheer soo jiray."

Trump ayaa sidoo kale uga digay Kanada canshuuraha gawaarida Mareykanka. Trump ayaa mar kale ku celiyay qaar ka mid ah hadalladiisii hore ee ku saabsan in Kanada ay noqoto gobolka kamid ah Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM