Trump oo "ku kacay ficilo looga bartay keli-taliyeyaashii Soomaaliya"

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar, mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka, ayaa ka jawaabtay sheegashada madaxweyne Donald Trumo ee ku aadan in lagu shubtay coddeynta 2020-ka.

Trump oo Arbacadii ka hadlay Aqalka Cad ayaa ku eedeeyay Dimuqraadiyiinta in ay sameeyeen "wax-is-dabamarintii ugu weyneyd taariikhda Mareykanka". Balse ma soo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.

Xildhibaanad Ilhaan oo si deg-deg ah qoraal soo dhigtay barteeda gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka ayaa dhawaqa Trump waxay ku qeexdey mid qeyb ka ah ficilada looga bartay keli-taliyeyaashii Soomaaliya".

"Waa layaab in laga walwalo dad Ameerika ka dhigaya Soomaaliya, iyaddoo Trump loo ogolaanayo in uu adeegsado wixii ay sameyn jireen kalitaliyeyaashii Soomaaliya," ayay tiri.

Madaxweyne Trump ayaa horey ugu eedeeyay Ilhaan in ay Mareykanka dhigeyso sidda Soomaaliya oo uu ku sifeeyay "dal aysan ka jirin kala dambeyn, boolis isla markaana dhex-dabaalanaya jahwareer".

Inkasta oo hadalada warbaahinta la isku mariyo kamid yihiin dhegax-tuurka siyaasadeed, maalmaha soo aadan waxaa la filayaa in uu sii xoogeysto sababo ku aadan natiijada la dhowrayo ee coddeynta.

Iyaddoo la hadleysa shacabka, Ilhaan ayaa ku dartey: "Hurdada ka kac, wuxuu burburinayaa wax kasta oo inoo gaar ah. Annaga ayaa kormeereyaasha u dirna wadamada kale, uma baahnin in aan annaga is-kormeerno".

Maadaama gobolo uu guul ka filayey looga horeeyo, Trump ayaa gudbiyey dacwad uu ku doonayo in lagu joojiyo tirinta codadka saddex gobol – Georgia, Wisconsin iyo Michigan – kuwaasoo dimuqraadigu hantay.

Goboladan ayaa kamid ah ismaamulada loo garan-og-yahay "jiidda hore ee tartanka madaxtinimada" maadaama dadka ku nool aysan si gooni ah u taageersaneyn xisbi gaar ah ayna kaliya eegaan masaalixdooda.

Joe Biden oo ah murashax madaxtinimada xisbiga dimuqraadiga ayaa Trump kaga horeeya codadka illaa haatan la tiriyey wuxuuna u baahan yahay codadka hal gobol si uu ugu dhawaaqo in uu guuleystaha yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM