Trump oo la Kulmay Madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa 

Image

RIYADH — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay madaxweynaha Suuriya Ahmad al-Sharaa, kulankoodii ugu horreeyay ee ay yeeshaan labada hogaamiye, oo horey aqoon uga dhaxayn, balse isku keenay Maxamed Bin Salman.

Kulanka ayaa ka dhacay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, waxaana laga soo sheegay Wakaaladda Wararka ee White House iyo warbaahinta Sacuudiga, inkasta oo aysan jirin faahfaahin ku saabsan waxa ay ka wada hadleen.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan White House, Trump ayaa ogolaaday inuu la kulmo al-Sharaa intii uu booqasho ku joogay Sacuudiga, waxaana kulankaas dhacday Arbacadii.

Isagoo ka hadlayay Forumka Maalgashiga Sacuudiga iyo Mareykanka ee 2025 oo ka dhacay Riyadh Talaadadii, Trump ayaa sheegay inuu amrayo in la qaado cunaqabateynta "xanuunka leh iyo burburinta" ee Mareykanku ku soo rogay Suuriya, isagoo sheegay in tallaabadan ay siinayso fursad Suuriya inay gaarto "midnimo iyo horumar."

Trump ayaa booqashadiisa Sacuudiga ka bilaabay Talaadadii, waxaana qayb ka ah safar uu ku tegayo dalalka Khaliijka, oo ay ka mid yihiin Qatar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM