Trump oo lagu helay in uu faraxumeeyay haweeney qoraa ahayd

Image
Qareenka Mr Trump ayaa sheegay in madaxweynihii hore Mareykanka uu qorsheynayo inuu racfaan ka qaato go’aanka.

WASHINGTON, USA - Xeerbeegtida kiis madani ah ayaa madaxwayne hore Donald Trump ku helay inuu faraxumeeyay haweeney wax ku qori jiray joornaal xaruntiisu tahay dukaan ku yaala New York sagaashamaadkii.

Laakiin, Mr Trump oo 76-sano jir ah ayaa sidoo kale waxaa lagu waayay in uusan mas’uul ka ahayn kufsi la sheegay in Jean Carroll loogu geystay qolka labiska ee shirkadda Bergdorf Goodman.

Xeerbeegtida ayaa sidoo kale waxay xukmisay in Mr Trump inuu mas'uul ka yahay aflagaado ka dhan ah haweeneyda maadaama uu ugu yeeray eedeymaha qoraaga "been abuur iyo been".

Waa markii ugu horeysay ee Trump lagu helo inuu sharci ahaan mas'uul ka ahaa xadgudub dhanka jingsiga ah. Xeerbeegtida degmada Manhattan ayaa ku amray Trump inuu bixiyo ilaa $5 milyan magdhow ah.

Xeerbeegtida oo ka kooban lix rah aj iyo saddex dumar ah ayaa gaaray go'aankooda kama dambeysta ah kadib wax ka yar seddex saacadood oo dood wadaag ah Talaadadii todobaadkan.

Qareenka Mr Trump oo warbaahinta ka hadlay kadib markii uu soo baxay go'aanka xeer-beegtida ayaa sheegay in madaxweynihii hore Mareykanka uu qorsheynayo inuu racfaan ka qaato go’aanka.

Hase ahaatee, Mr Trump loogama baahna inuu isu diiwaan geliyo dembiile dhanka jinsiga ah maadaama ay axkamadeynta ka socotay maxkamad madani ah halkii ay qaadi lahayd mid dambiyadeed.

Madaxweynihii hore - oo diiday eedeymaha Carroll - kama uusan qeyb gelin dhageysiga dacwadda madaniga ah ee labada toddobaad ka socotay maxkamadda federaalka ee degmadda Manhattan ee magaalada New York.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM