Maxkamadeynta Donald Trump oo lasoo gabagabeeyay

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu waayay dambi ah "kicinta kacdoon" oo la xiriira rabshadihii 6-dii Janaayo ka dhacay xarunta baarlamaanka waddankaas ee loo yaqaano Capitol-ka – taas oo Dimuqraadiyiinta ay ku qeexeen fal sumcada dalkooda hoos u dhigtay.

Ka dib shan maalmood oo dhageysiga dacwadda ay ka socotay xarunta Senate-ka, coddeynta waxay muujisay kala qeybsanaanta xisbiyadda, iyada oo 57 xildhibaan ay u codeeyeen in la xukumo halka 43 ay u codeeyeen in la sii daayo.

Dimuqraadiyiinta ayaa ku guul-dareystay in ay helaan codadka ay u baahnaayeen oo ah saddex dalool laba qeybood si loogu xukumo Trump, oo ah madaxweynaha kaliya ee Mareykanka ee abid xilka laga qaado labo jeer intuu xafiiska joogay.

Waxa xusid mudan, si kastaba ha noqotee, toddobo xubnood oo ka tirsan senetarka Jamhuuriga ayaa u codeeyay in la xukumo madaxweynihii hore, waana tiradii ugu badan ee taageerta xil ka qaadista madaxweyna ay isku xisbi yihiin taariikhda gudaha Mareykanka.

Tani waxay ahayd maxkamadayntii labaad. Maxkamadeyntii ugu horeysay ee xil ka qaadis ee Trump, oo dhacday bishii Febraayo 2020, waxay ku dhammaatay in lagu waayey wax dambi ah lana xiriira in uu isku dayay inuu ku cadaadiyo Ukraine inay baarto Madaxweyne Joe Biden oo hadda xafiiska jooga.

Natiijada maxkamadeynta labaad ma aheyn wax layaab leh maadaama qaanuunka xukunka lagu rido uu u baahnaan lahaa cod bixin weyn oo labada xisbiba ah xilli xisbiyadda Mareykanka ay siyaasad ahaan kala fog yihiin.

In kasta oo codbixintu ka tarjumeyso kala qeybsanaanta qotada dheer ee u dhaxeysa Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta, haddana waxay sidoo kale muujisay kala qeybsanaanta qotada dheer ee ka dhex jirta Senatorada ama xildhibaannada Aqalka Hoose ee taageersan Trump iyo kuwa dareemaya in lala xisaabtamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM