Maxkamadeynta Donald Trump oo lasoo gabagabeeyay

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu waayay dambi ah "kicinta kacdoon" oo la xiriira rabshadihii 6-dii Janaayo ka dhacay xarunta baarlamaanka waddankaas ee loo yaqaano Capitol-ka – taas oo Dimuqraadiyiinta ay ku qeexeen fal sumcada dalkooda hoos u dhigtay.

Ka dib shan maalmood oo dhageysiga dacwadda ay ka socotay xarunta Senate-ka, coddeynta waxay muujisay kala qeybsanaanta xisbiyadda, iyada oo 57 xildhibaan ay u codeeyeen in la xukumo halka 43 ay u codeeyeen in la sii daayo.

Dimuqraadiyiinta ayaa ku guul-dareystay in ay helaan codadka ay u baahnaayeen oo ah saddex dalool laba qeybood si loogu xukumo Trump, oo ah madaxweynaha kaliya ee Mareykanka ee abid xilka laga qaado labo jeer intuu xafiiska joogay.

Waxa xusid mudan, si kastaba ha noqotee, toddobo xubnood oo ka tirsan senetarka Jamhuuriga ayaa u codeeyay in la xukumo madaxweynihii hore, waana tiradii ugu badan ee taageerta xil ka qaadista madaxweyna ay isku xisbi yihiin taariikhda gudaha Mareykanka.

Tani waxay ahayd maxkamadayntii labaad. Maxkamadeyntii ugu horeysay ee xil ka qaadis ee Trump, oo dhacday bishii Febraayo 2020, waxay ku dhammaatay in lagu waayey wax dambi ah lana xiriira in uu isku dayay inuu ku cadaadiyo Ukraine inay baarto Madaxweyne Joe Biden oo hadda xafiiska jooga.

Natiijada maxkamadeynta labaad ma aheyn wax layaab leh maadaama qaanuunka xukunka lagu rido uu u baahnaan lahaa cod bixin weyn oo labada xisbiba ah xilli xisbiyadda Mareykanka ay siyaasad ahaan kala fog yihiin.

In kasta oo codbixintu ka tarjumeyso kala qeybsanaanta qotada dheer ee u dhaxeysa Jamhuuriga iyo Dimuqraadiyiinta, haddana waxay sidoo kale muujisay kala qeybsanaanta qotada dheer ee ka dhex jirta Senatorada ama xildhibaannada Aqalka Hoose ee taageersan Trump iyo kuwa dareemaya in lala xisaabtamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM