Trump oo loo aruuriyay lacagtii ugu badneyd ololaha doorashada Mareykanka

Image
SAWIR HORE

WASHINGTON, Mareykanka - Afhayeenkii ololaha doorasho ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Sabtida in Trump uu aruuriyay ilaa 20 milyan oo doolar seddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Muddadani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Trump lagu soo oogay dacwado heer federaal iyo heer gobol ah oo la xiriira sheegashadiisa beenta ah ee ah in doorashada 2020 lagu shubtay.

Afhayeenka Trump Stephen Chung ayaa ku sheegay barta X, oo hore loogu yiqiin Twitter-ka, in madaxweynihii hore uu soo aruuriyay $7.1 milyan tan iyo markii uu K aoo muuqday sawirada laga qaado dambiilayaasha khamiistii.

Chung ayaa intaa ku daray in Trump uu ururiyay lacag dhan 4.18 milyan oo doolar jimcihii oo kaliya, taas oo ka dhigaysa maalintii ugu lacagta badnayd ee ololihiisa doorashada.

Trump, oo loo doortay madaxweyne 2016-kii, balse 2020-kii uu ka guuleystay Dimuqraadiga Joe Biden, ayaa mar kale doonaya in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleystaan madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM