Trump oo loo coddeeyay in jagada laga xayuubiyo

Image

WASHINGTON, US – Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka ayaa si wada-ogol ah isugu raacay markii labaad in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo ee Donald Trump.

Jago-ka-xayuubinta Trump ayaa loo cuskaday "in uu dhiirageliyey taageereyaashiisa 6-kii Janaayo ku qamaamay dhismaha baarlamaanka iyo in uu ka dhawaajiyo hadalo rabshado abuuritaan ah".

Waa markii labaad oo Golaha Wakiilada Mareykanka u coddeeyo eryida Trump. Markii ugu horeysay waxay ahayd sanadkii 2019-kii.

Dimuqraadiyiinta oo si weyn ugu ololeeyay qaraarka jago ka xayuubinta Trump ayaa si weyn ugu gacan-sareeya Aqalka Hoose ee dalkaas, halka Jamhuuriga oo madaxweynuhu ka tirsan yahay uu maamulo Senate-ka.

Tani ayaa la macno ah in Aqalka Sare uusan taageeri doonin go’aanka Aqalka Hoose, wallow ay jiraan Jamhuuriyiin soo dhaweeyay.

Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykanka kaasoo laba jeer hal muddo xileed dacwad xil ka qaadis lagu soo oogo – waana taariikh madow oo loo diiwaan-gelin hogaamiyaha USA.

Go'aanka Golaha Wakiilada ayaa yimid maalmo kahor inta uusan madaxweynaha la doortey Joe Biden oo dimuqraadi ah uusan xilka ka wareegin 20-ka Janaayo, 2021 wallow Trump uu xusay in uusan xaadiri doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM