Trump oo Magacaabay Wasaarad Cusub oo uu Elon Musk Hoggaaminayo

Image

Washington (GO) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Elon Musk, ganacsadaha caanka ah, iyo Vivek Ramaswamy, siyaasiga xag-jirka ah, ay hoggaamin doonaan waax cusub oo la yiraahdo Department of Government Efficiency ama D.O.G.E, taas oo looga gol leeyahay inay hoos u dhigto kharashaadka dawladda iyo xeerarka xad-dhaafka ah ee hay’adaha federaalka.

Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wasaaradda cusub ay horseedi doonto “is-beddel ballaaran” oo lagu sameeyo hay’adaha federaalka, iyadoo la jarayo kharashaadka badan iyo wax-soo-saarka dowladda oo loo beddelayo qaab cusub oo lagu hufayo howlaha.

“Waxaan ku faraxsanahay in Elon Musk iyo Vivek Ramaswamy ay hoggaamin doonaan dadaalkan weyn ee lagu beddelayo nidaamka dowladeed,” ayuu yiri Trump. “Waxay bulshada ula imaan doonaan qaab cusub oo ganacsi kaas oo abuuri doona is-beddel waara.”

Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in waaxdan cusub ee D.O.G.E ay la shaqeyn doonto Aqalka Cad iyo Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda si ay u hirgeliyaan nidaam dib-u-habeyn ah oo loogu magac daray “Mashruuca Manhattan-ka ee Casriga.” Trump ayaa ku tilmaamay dadaalkan mid muddo dheer ay ka shaqeynayeen siyaasiyiinta Jamhuuriga ee doonaya inay dowladdu noqoto mid yar oo hufan.

Bayaan ka soo baxay Elon Musk ayaa lagu xusay in waaxdani ay “shockwaves” ama hirar saameyn leh ku sameyn doonto nidaamka dowladdeed ee hadda jira, isagoo sheegay in dad badan oo ku shaqeeya kharashaadka aan loo baahneyn aysan wakhti dheer kusii jiri doonin nidaamka cusub.

Waaxdan cusub ayaa laga filayaa inay si rasmi ah u dhammeystirto howlaha iyo is-beddelada ay waddo marka la gaaro 4-ta Luulyo, 2026, oo ku beegan 250-guurada Xorriyadda Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa qorshahaan ku tilmaamay hadiyadda ugu weyn ee lagu sharfayo xuska maalintaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM