Trump oo mar kale si kulul ugu hanjabay dowladda Iran

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku eedeeyay Iiraan inay ka dambeysay gantaal lala beegsaday safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, wuxuuna ugu hanjabay jawaab militari haddii qof Ameerikaan ah oo ku naf-waayo.

Axadii, tirro gantaallo ah ayaa ku dhacay safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad ee Aagga Cagaaran ee aadka loo ilaaliyo, sidda uu shaaciyey militariga Ciraaq, dhacdadaas oo dhalisay cabsi laga qabo qalalaase hor leh.

Bayaan ay soo saareen militariga Ciraaq ayaa lagu sheegay in "koox sharci daro ah" ay tuureen sideed gantaal oo ay ku garaaceen aaga cagaaran, halkaasna uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada amaanka ciraaq ayna waxyeelo kasoo gaartey gawaari iyo dhisme la daganaa.

"Safaaradeena Baqdaad waxaa Axadii ku dhacay dhowr gantaal," ayuu Trump ku yiri bartiisa Twitter-ka, isaga oo ula jeeday weerar sababay waxyeelo laakiin aan geeri jirin. “Qiyaasa halka ay ka yimaadeen: IRAN," ayuu raaciyay.

Trump ayaa ku daray: "Hadda waxaan maqleynaa warar kale oo ku saabsan weeraro ka dhan ah Ameerikaanka ku sugan Iraq… Aan si saaxiibtinimo leh ula taliyo/ugu wargeliyo Iiraan: Haddii mid Mareykan ah la dilo, waxaan dusha u saari doonaa Iran mas'uuliyadda. Aad uga fekera".

Isaga oo u jawaabaya Trump, Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka wuxuu ku yiri: "Khatar aad geliso muwaadiniintaada dibadda ku sugan, kaama sii jeedin karto fashilka aad ku wajaheyso gudaha".

Mareykanka iyo Iiraan ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhaxeeyay loolan iyo dagaal dhanka afka ah. Talaabooyinkaas waxay cirka kusii shareereen cabsida laga qabo in gacan ka hadal uu dhexmaro dalalkan awooda badan, wallow mid kasta uusan wali dhankaas u jiheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM