Trump oo Muslimiinta Mahadceliyay, Balse Digniin ka Timid Taageerayaasha Falastiin

Image

GO- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii Khamiista ku martiqaaday dad Muslimiin ah Aqalka Cad, isagoo u sameeyay casho afur ah oo lagu maamuusay bisha barakeysan ee Ramadaan. Intii lagu guda jiray afurkaas, Trump wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Muslimiinta Maraykanka taageeradii ay siiyeen ololihiisa doorashada 2024, balse arrintan ayaa dhalisay falcelin ballaaran oo ka timid taageerayaasha Falastiin.

Trump ayaa sheegay in Muslimiinta “ay nala garab istaageen bisha November,” isagoo ku celiyay ballanqaad uu hore u sameeyay, “aniguna waan idinla jiri doonaa.” Wuxuu sidoo kale xusay taageerada laga helay gobollo muhiim ah sida Michigan.

“Waxaan u dabaaldegaynaa Ramadaanka, waxaana leeyahay Ramadan Mubarak dhammaan Muslimiinta na taageertay,” ayuu yiri Trump, isagoo la hadlayay dad kooban oo ku sugnaa Qolka Cashada Qaranka ee Aqalka Cad.

Isbedel la yaab leh ayaa laga dareemay doorashadii u dambeysay, iyadoo Muslimiin badan ay ka weecdeen xisbiga Dimuqraadiga islamarkaana ay codkooda siiyeen Trump, taasi oo la fasiray inay ahayd ciqaab siyaasadeed oo loo jeediyay Madaxweyne Joe Biden oo lagu eedeeyay inuu taageero buuxda siiyay Israa’iil xasuuqa Gaza.

Hay’adda Council on American-Islamic Relations (CAIR) ayaa ka falcelisay munaasabadda, iyagoo sheegtay in afurkaasi “uusan wax micne ah yeelan doonin” inta uu socdo taageerada Maraykanka ee Israa’iil. “Afurka iyo hadaladan u muuqda muujin kalgacal, ma ahan waxa ay Muslimiinta doonayaan. Waxaan rabnaa siyaasado dhab ah oo lagu joojinayo dhiigga Falastiiniyiinta, laguna dhowrayo xorriyadda hadalka iyo diinta,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay CAIR.

Dad badan oo taageersan arrimaha Falastiin ayaa dhaleeceeyay afurka uu Trump qabtay, iyagoo ku tilmaamay mid marin-habaab ah. Qaar ka mid ah dadkaas waxay xuseen in aysan suurtagal ahayn in Muslimiintu taageeraan “hoggaamiye weli taageeraya xasuuqa Gaza, isla markaana duqeynaya Yemen.”

Waxaa la sheegay in cashada ay kasoo qeybgaleen wax ka yar 70 qof, kuwaas oo intooda badan aan Muslimiin ahayn, islamarkaana ay kamid ahaayeen siyaasiyiin taageersan Trump sida Senator Lindsey Graham iyo Tulsi Gabbard.

Inkasta oo Trump uu horey u ballanqaaday nabad ka dhalata Bariga Dhexe, haddana colaaddii u dhaxeysay Israa’iil iyo Xamaas oo uu joojiyay hal maalin kahor intaanu Aqalka Cad ku laaban, waxay Israa’iil markale jebisay xabbad-joojin kadibna dib u billowday duqeymo xooggan oo lagu dilay in ka badan 62,000 oo Falastiiniyiin ah – badankoodna haween iyo carruur.

Dadka u ololeeya xuquuqda Falastiiniyiinta ayaa ugu baaqay Muslimiinta Maraykanka in aysan “ku sirmin” ficillo muuqaal ahaan wanaagsan balse aan waxba ka beddelin siyaasadaha dhabta ah ee Gaza lagu xasuuqayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo diiday wadahadal toos ah inay Mareykanka la gasho kadib Warqaddii Trump usoo diray

Dhanka kale, toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray farriimo is khilaafsan oo ka imaanayay Iran.

  • Caalamka

    31-03-2025

  • 11:56AM

Madaxweynaha Syria oo Ku Dhawaaqay Xukuumad Isku-Dhafan oo Cusub

Xukuumadda cusub ee Syria ma yeelan doonto ra’iisul wasaare, waxaana al-Sharaa lagu wadaa inuu hogaamiyo laanta fulinta ee dowladda.

  • Caalamka

    30-03-2025

  • 10:15AM