Trump oo raadinayaa siyaabo uu ugu badbaadiyo TikTok in laga mamnuuco Mareykanka

Image

WASHINGTON — Madaxwenaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidi shalay sheegay, in ay aad ugu badantahay in uu barta bulshada ku xiriirto ee TikTok siin doono muddo 90-cisho ah, xilli lagu wado in maanta oo Axad ah uu gudaha Mareykanka ka dhaqan galo amar shuruud lagu xiray oo maxkamadahu ay aaladdan uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso guud ahaan Mareykanka.

TikTok ayaa gudaha Mareykanka ku leh ilaa 170 milyan oo macmiil kuwaas oo adeegsada aabka shirkaddan laga leeyahay dalka Shiinaha.

Wareysi uu siiyay telefishanka NBC ee dalkaan Mareykanka, ayuu Trump ku yiri "90 maalin oo dheeraad ah ayay u badnaan doontaa in la siin doono, sababtoo ah waa waxa ugu habboon. Haddii aan taasi go’aansanno waxay u badnaan doontaa inaan ku dhawaaqo Isniinta."

Shirkadda TikTok oo qiyaasri ku dhawaad kala bar shacabka Mareykanka ay adeegsadaan, ayaa fursado ganacsi iyo halabuuro shaqooyin dhanka online-ka ah ka helay isticmaalka aaladdaan.

Jimcihii waxay sheegeen, in calaamad madoow ay u soo bixi doonto dadka adeegsado ee cinwaannada ku leh TikTok ee gudaha Mareykanka.

Taasi waxay ka danbeysay, kaddib marki ay Maxkamadda sare ee Mareykanka ay ayiday go’aan ay maxkamad heer federal ah ku amartay Tiktok in ay jarto xiriirka ay la leedahay shirkadda ay hoos timaado ee ByteDance ee fadhigeedu yahay dalka Shiinaha ama in laga xiro gudaha Mareykanka.

Maamulka madaxweyne Biden oo ay muddo xileedkiisu uga hartay kaliyah maanta oo Axad, ayaa sheegay in go’aan ka gaarista ugu danbeeya ee TikTok uu leeyahay maamulka soo socda ee Donald Trump, kaas oo xafiiska Aqalka Cad la wareegi doona berri oo Isniin ah, marka la dhaariyo kaddib.

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM