Trump oo saxiixey amar ka dhan ah shirkadaha Baraha Bulshada

Image

WASHINGTON - Madaxwayne Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxwayne oo looga gol leeyahay in meesha looga saaro qaar ka mid ah shuruucda lagu difaacayo shirkadaha baraha bulshada.

Waxuu amarkan siinayaa hay'adaha fuliya sharci in tallaabo sharci ay ka qaadaan shirkadaha baraha bulshada sida facebook iyo shirkadda Twitter-ka.

Madaxwayne Trump ayaa markii uu saxiixayay amarkan ku eedeeyay shirkadaha baraha bulshada "awoodo aan lala xisaabtamin".

Amarkan cusub ee uu madaxwaynaha saxiixay ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo caqabado dhanka sharciga.

Khubarada dhanka sharciga ayaa waxay sheegeen in isbadalka lagu sameynayo xeerarkan ay ahayd in ay ku lug yeeshaan aqalka congreska ama maxkamadaha dalkaasi.

Mr Trump ayaa si joogta ah ugu eedeeynayay shirakadaha baraha bulshada inay faaf-reeb ku samaynayaan codadka iyo fikradaha asliga ah.

Khamiista, Mr Trump ayaa ku eedeeyay shirkadda Twitter-ka in ay faragalin ku samaynayso doorashada ka dib markii ay shirkadda dul saartay qoraa uu so dhigay in xaqiiqadiisa la iska hubiyo.

Shirkadda Twitter-ka ayaa sidoo kale intaa ku dartay " in la iska hubiyo xaqiiqooyiinka ku saabsan Covid-19" ka dib qoraal uu bartaasi soo dhigay afahyaeenka dowladda Shiinaha oo sheegay in asal ahaan uu Corna ka yimid Mareykanka.

Amarkan madaxwayne ayaa amraya in la sii qeexo sharciga isgaarsiinta oo ah sharci ka jira Mareykanka kaasi oo xaaladaha qaar difaacaya shirkadaha online-ka sida Facebook, Twitter iyo shirkadda YouTube.

Faqrada 230 ee sharcigani, ayaa shirkadaha baraha bulshada waxa aysan qaadayn masuuliyadda qoaraalada ay soo dhigaan dadka barahooda isticmaala, balse waxay hawada ka saari karaan" qoraalada aflagaadada iyo anshax xumada ku saabsan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa "sida ugu dhaqsiyaha badan" u bilaabi doona isku dubaridka amarkan cusub si ay aqalka congreska ugu codeeyaan.

BBC

Related Articles

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM

Obama: “Iran waxay maanta ka awood badan tahay sidii ay ahayd ka hor dagaalka”

Obama ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho oo ka dhacay Cleveland, gobolka Ohio, Sabtidii.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:20AM