Trump oo sheegay in aalada TikTok ay helis ku tahay Amniga Maraykanka

Image
Trump ayaa ka hadlay saameynta TikTok uu ku leeyahay dhalinyarada & Caruurta.

Washington (GO) - Musharaxa madaxtinimada Mareykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in aaldda TikTok ay khatar ku tahay Amniga qaranka Mareykanka, isagoo intaa ku daray in xayiraad walba oo lagu soo rogo ay dhibaato u geysan doonto qaar ka mid ah carruurta, ayna xoojin doonto barta Facebook oo aad u dhaliilay.

Trump ayaa wareysi siiyay CNBC ayaa yiri: "Ma eegayo inaan labanlaabo xajmiga Facebook, haddii aad mamnuucdo TikTok, inta badan Facebook ayaa faa'iido u leh, waana bar lagu faafiyo Dacaayad & been."

Trump ayaa sidoo kale sheegay in mamnuucida TikTok ay saameyn karto dhalinyarada, : "Waxaa jira caruur badan oo yaryar oo waalan lahaa TikTok la'aantiis, waxaa uu leeyahay waxyaabo badan oo wanaagsan, dhinacna Saameeyn xun ka leeyahay."

Waxaa xusid mudan in Aqalka Congress-ka u codeeyn doono berri sharci siinaya Shirkadda leh mulkiyadda TikTok “ByteDance” waqti kooban oo ay ku iibinayso aaladdan oo ay isticmaalaan 170 milyan oo Maraykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM