Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Image

WASHINGTON - Donald Trump ayaa ku qabtay magaalada Washington, D.C. shirkii ugu horreeyay ee guddiga uu ugu yeeray “Board of Peace,” kaas oo muddo la sugayay, iyadoo diiradda la saarayo marxaladda xigta ee xabbad-joojinta jilicsan ee ka jirta Gaza.

Sacuudiga ayaa balan qaaday $1 billion oo Gudiga Nabada Trump u marsiinayaan dib u dhiska Gaza. Shan dal ayaa oggolaaday inay ciidamo u diraan Ciidanka Caalamiga ah ee Xasilinta Gaza, kuwaas oo kala ah:

Indonesia
Morocco
Kazakhstan
Kosovo
Albania

Shirka waxaa ka qeyb galay hoggaamiyeyaal caalami ah oo dhowr ah, oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orbán iyo Madaxweynaha Argentina Javier Milei, kuwaas oo loo arko xulafo dhow oo Trump la leh.

Si kastaba, qaar ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Mareykanka sida UK, France, Norway iyo Sweden ayaa diiday inay si rasmi ah ugu biiraan guddigan. Qaar ka mid ah waddamadan ayaa walaac ka muujiyay xeer-hoosaadka guddiga oo aan si cad u xusin Gaza, iyo suurtagalnimada inuu wiiqo doorka United Nations ee howlaha nabad-ilaalinta. Si kastaba, dalal ay ka mid yihiin UK, Norway iyo Italy ayaa ergooyin u diray shirka.

Dhanka kale, Pope Leo XIV ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay ee diida casuumaadda Trump, iyadoo Vatican ay sheegtay in Qaramada Midoobay ay tahay hay’adda ugu weyn ee mas’uulka ka ah maareynta xaaladaha qalalaasaha.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza, isaga oo ku dhawaaqay in Mareykanku ku biirin doono $10 bilyan oo dheeraad ah, lacagtan oo uu ku tilmaamay mid yar marka loo eego kharashka dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan faahfaahin halka ay lacagahan ka imaanayaan, halka Aqalka Cadna uusan weli ka jawaabin su’aalaha la xiriira arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM