Trump oo si lama filaan ah uga hadlay wararka la xiriira caafimaadka Kim

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa biyo qabow ku shubay warbixinadda sheegaya in caafimaadka hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ee Kim Jogn-un uu "halis ku jiro".

Isagoo war-fidiyeenka kula hadlay Aqalka Cad, Trump ayaa si naadir ah uga jawaabay su'aal uu hadalheyntaan ka waydiiyey wariye.

Sidda laga soo xigtay Donald Trump, sheekooyinka laga faafiyey caafimaadka Kim waa been abuur ku saleysan dukumiintiyo horey.

"Waxaan u maleynayaan in warbixinta aysan sax ahayn. Xiriir wanaagsan baa naga dhaxeeya Kuuriyadda Waqooyi. Aniga cilaaqaad fiican baan la leeyahay Jim Jogn Un, waxaana rajeynayaan in uu badqabo. Waxaan aaminsanahay in ay tahay faalo been abuur ah," ayuu hadalkiisa ku daray Trump.

Dhinaca kale, Trump ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo su'aal ku saabsaneyd in uu caddeeyo haddii uu wax xiriir ah la sameeyay Kim kadib kulankoodii ugu dambeeyay kaas oo aan mirdhal aan noqonin.

Huteel aad loo ilaaliyo oo ku yaala magaalada Hanoi ee dalka Vietnam ayay ku kulmeen labada hogaamiye. Hase ahaatee, warbixino hoose oo soo baxay waxay muujiyeen in ay isgaarsiinta kuwada xiriireen kadib.

Hadalka kasoo yeeray Trump ayaa wuxuu meesha ka saarey warbixino ay todobaadyadii lasoo dhaafay aad u tabineysay warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka oo shaki geliyey badqabka Kim Jogn-un.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM