Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadii saxiixay amar cusub oo ka mamnuucaya muwaadiniinta 12 dal inay soo galaan Mareykanka, isaga oo ku sababeeyay arrintan in ay tahay tallaabo looga hortagayo “argagixisada caalamiga ah” iyo khataraha kale ee amniga gudaha.

Amarkan cusub ayaa qeyb ka ah olole xoogleh oo Madaxweyne Trump uu sanadkan ka bilaabay xuduudaha Mareykanka, tan iyo markii uu galay xilkiisa mar labaad.

Dalalka si buuxda looga mamnuucay inay dadkooda u safraan Mareykanka ayaa kala ah: Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan iyo Yemen.

Sidoo kale, muwaadiniinta ka imanaya 7 dal oo kale ayaa laga xadidi doonaa inay si buuxda u galaan Mareykanka. Dalalkaas waa: Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

"Ma ogolaan doono dadka doonaya inay na waxyeelleeyaan inay dalkayaga soo galaan, ma jiraan wax naga hor istaagi kara inaan ilaalino amniga Maraykanka," ayuu yiri Trump.

Tallaabooyinkan cusub ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah masaafurin loo sameeyay boqolaal muwaadiniin Venezuelan ah oo loo tuhunsan yahay inay xubin ka yihiin kooxaha burcadda ah, kuwaas oo loo tarxiilay dalka El Salvador.

Waxaa sidoo kale jira dadaallo lagu xakameynayo ardayda ajaanibta ah ee raba inay iska diiwaangeliyaan jaamacadaha Mareykanka, halka qaar kalena lagu amray in la masaafuriyo.

Tani waa tallaabo kamid ah ololaha socdaalka ee uu Trump xooga saaray tan iyo markii uu mar labaad xafiiska la wareegay, taasoo horey ugu jirtay masaafurinta boqolaal Venezuelan ah oo loo haysto tuhun la xiriira xubinimo kooxo burcad ah, iyo sidoo kale xayiraado saameeyay ardayda ajaanibta ah ee wax ka barata Mareykanka.

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM