Trump oo ugu baaqay Netanyahu in uu joojiyo dagaalka Qasa

Image
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil inuu qaato nabadda.

Washington (GO) - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qasa.

Trump ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan fariinta uu jeclaan lahaa inuu u diro Netanyahu ee ku saabsan dagaalka Gaza, wuxuu yiri: “Waxaan u sheegi lahaa: Si degdeg ah u jooji dagaalka, nabaddana qaado”.

Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay barnaamijka "Media Buzz", Trump wuxuu ku baaqay markii ugu horeysay in la soo afjaro dagaalka Qasa tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Isaga oo ka jawaabaya su’aashii daadihiyaha barnaamijka ee ku saabsan waxa ay fariintiisu noqon doonto haddii uu la hadlo Netanyahu, Trump waxa uu yiri, “Waa in uu arrintan soo afjaraa, si degdeg ah u soo afjaraa, oo uu ku soo noqdaa, waxaan u baahanahay nabad ka dhalata bariga dhexe iyo adduunkaba.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM