Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Image

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka Mareykanka ay sii joogi doonaan gudaha iyo hareeraha dalka Iran ilaa si buuxda loo hirgeliyo wax uu ugu yeeray "heshiis dhab ah".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono: "Maraakiibta Mareykanka, diyaaradaha, iyo shaqaalaha milatariga, oo ay weheliyaan rasaas dheeri ah, hub, iyo wax kasta oo kale oo ku habboon oo lagama maarmaan u ah weerar dhimasho leh iyo burburinta 'Cadaw' horayba si weyn loogu wiiqay."

Trump ayaa xusay inay "aad u adagtahay" in heshiiska la jebiyo, balse wuxuu ka digay haddii sabab kasta ay u dhici weydo fulinta heshiiskaas, inuu bilaaban doono dagaal ka weyn kii hore.

Digniinta Trump: Wuxuu sheegay in haddii heshiiska lagu xadgudbo ay bilaaban doonto "Xabbad" (Shootin' Starts), taasoo uu ku tilmaamay inay noqon doonto "mid ka weyn, ka wanaagsan, kana xoog badan mid kasta oo qof walba abid arkay."

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay qodobbada muhiimka ah ee lagu heshiiyay, isagoo meesha ka saaray wararka kale ee la isla dhexmarayo.

Nukliyeerka: Trump wuxuu ku adkeeyay in Iran aysan yeelan doonin wax hub nukliyeer ah.

Marinka Hormuz: Wuxuu sheegay in marinka muhiimka ah ee Hormuz uu ahaan doono mid furan oo ammaan ah.

"Waxaa lagu heshiiyay waqti hore, inkastoo ay jiraan hadallo been abuur ah oo ka soo horjeeda—MA JIRI DOONO HUB NUKLIYEER AH, Marinka Hormuz-na wuxuu ahaan doonaa mid FURAN & AMMAAN ah," ayuu raaciyay Trump.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Mareykanka iyo Iran ay ku jiraan xaalad cakiran, iyadoo Trump uu isticmaalayo istiraatiijiyad ah "cadaadis xooggan" si uu u xaqiijiyo in Tehran ay u hoggaansanto shuruudaha cusub ee Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM