Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"
Washington, Luulyo 7, 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii si kulul u weeraray Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbi siyaasadeed oo cusub oo lagu magacaabo “American Party,” isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid “nacasnimo ah” isla markaana sheegay in Musk uu “gebigii waayey xakameyn.”
“Waxa aad ii murugo gelinaysa waa in aan daawanayo Elon Musk oo si buuxda uga baxaya xariiqda, kuna sii socda burbur siyaasadeed todobaadyadii la soo dhaafay,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social habeenimadii Axadda.
Musk ayaa Sabtidii qoraal uu soo dhigay barta X (horey Twitter) ku sheegay in uu si rasmi ah u dhisay “American Party,” si uu ugu tartamo labada xisbi ee ugu waaweyn dalka, kuwaas oo ah Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga. Wuxuu intaas ku daray in xisbiga cusub uu u taagan yahay soo celinta xorriyadda shacabka Mareykanka.
“Marka loo eego ra’yiga dadweynaha oo ah 2:1, waxaad rabtaan xisbi cusub — waana heshay! Maanta waxaa la dhisay American Party si aan xorriyaddiina idiinku celiyo,” ayuu Musk ku yiri qoraalkiisa.
Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk, taas oo dhabar-jab ku noqotay xiriirkii dhowaa ee siyaasadeed. Musk ayaa horay u bixiyay malaayiin doollar si uu u taageero dib u doorashada Trump, halka Trump uu Musk u magacaabay hogaanka Waaxda Hufnaanta Dowladda (DOGE), oo looga dan lahaa in la yareeyo kharashaadka dowladda federaalka.
Trump ayaa Axaddii u sheegay warbaahinta Reuters in uu u arko arrin “nacasnimo ah” in la dhiso xisbi saddexaad, isagoo sheegay in nidaamka laba xisbi uu yahay mid guul leh. “Xisbiga Jamhuuriga guul weyn ayuu gaaray. Dimuqraadiyadu waa lumiyeen jihadooda, balse nidaamka laba xisbi ah wuxuu ahaa mid shaqeynayay mar walba,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Trump wuxuu si gaar ah u cambaareeyay qorshihii Musk ee ahaa in dalka laga hirgeliyo “waajibka baabuur koronto,” isagoo sheegay in arrintaasi ay ahayd in “dadka si qasab ah loogu iibiyo baabuur koronto muddo gaaban gudaheed.”
Sharciga cusub ee canshuur dhimis iyo jarista kharashaadka dowladda, oo uu Trump saxiixay 4-ta Luulyo, ayaa meesha ka saaray dhiirrigelinta canshuur-dhimista ee loo fidin jiray dadka iibsanaya baabuurta korontada ku shaqeysa.
GAROWE ONLINE