Trump: "Shiinuhu wuxuu ii ballanqaaday inaysan hub siin doonin Iran"

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ka codsaday inuusan hub ka iibin dalka Iran.

Trump oo wareysi siiyay telefishinka Fox Business ayaa sheegay inuu markii hore maqlay warar sheegaya in Shiinuhu uu hub siinayo Tehran, taasina ay ku khasabtay inuu xiriir toos ah la sameeyo dhiggiisa Shiinaha.

Trump ayaa tilmaamay inuu warqad rasmi ah u qoray Madaxweyne Xi Jinping, isagoo si gaar ah uga codsaday inuu ka fogaado tallaabo kasta oo hub loogu dhoweynayo Iran.

Sida uu sheegay madaxweyne Trump, Xi ayaa qoraal jawaab ah ugu xaqiijiyay in dowladdiisu aysan wax hub ah siinaynin dalka Iran, inkasta oo warbaahinta Mareykanka ay horay u baahiyeen xog ka timid sirdoonka oo muujinaysay in Beijing ay isu diyaarinayso rarkii ugu horreeyay ee hub casri ah oo loo diro dalka Iran.

Dhaqdhaqaaqan dublamaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro shaki xooggan oo ku aaddan iskaashiga milateri ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran, iyadoo dowladda Mareykankuna ay isha ku hayso dhaqdhaqaaqyada hubka ee gobolka Bariga Dhexe.

Trump ayaa booqan doono China 14ka iyo 15ka May, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweyne Xi Jinping oo arrimaha ganacsiga, xiririka diblomaasi iyo wadashaqeynta kawada hadli doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM