Tuhmanaha ugu muhiimsan dilka hogaamiyihii Haiti oo la xiray

Image
Wakaalada Anadolu ayaa daaha waxay ka rogtey in Handal lagu doonayay ogaysiinta Interpol.

ANKARA, Turkey - Saraakiisha Turkiga ayaa xiray mas’uuliyiin ka tirsan Haiti oo lagu tilmaamay tuhmaneyaasha ugu muhiimsan dilka bishii July ee sanadkii hore ee lagu khaarijiyey madaxweynihii waddankaas.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade Samir Handal ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul aroornimadii shalay oo Isniin ahayd, isaga oo ka yimid Maraykanka, kuna sii jeeday dalka Urdun, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Anadolu.

Wakaalladda Wararka Turkiga ayaa intaas waxay ku dartey inuu ku xiran yahay magaalladda Istanbul muddo 40-maalmood ah oo ku-meel-gaar ah, sida ay sheegtay Hay’adda.

Xariga Handal ayaa waxaa ku dhawaaqay maamulka Haiti galinkii dambe ee Isniintii, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Haiti Claude Joseph uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in uu kala hadlay dhigiisa Turkiga xariga Handal.

Ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah mana uusan sheegin in Haiti ay raadin doonto in ninkan loo gacan geliyo ama haddii lagu maxkamadeyn doono gudaha waddanka Haiti.

Wakaalada Anadolu ayaa daaha waxay ka rogtey in Handal lagu doonayay ogaysiinta Interpol. Hadda waxa uu ku jiraa xabsiga Malta ee Istanbul, sida ay wakaaladdu sheegtay.

Iyadoo Handal loo aqoonsaday inuu ka mid yahay dadka looga shakisan yahay shirqoolkii lagu dilay madaxweynaha Haiti 7-dii July, haddana dowladdu wax tafaasiil ah kamay bixin ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM