​Turkey: Faah faahin tirada dhimashada oo korodhay

Image

ANKARA: Faah faahin dheeraad ah oo ka helnay qarax xooggan oo fiidnimadii Axadda ka dhacay dalka Turkiga gaar ahaan caasumadda Ankara, ayaa sheegaysa inay korortay tirada dadka ku dhintay weerarkaasi.

Waxaa hadda la xaqiijiyay dhimashada 27 ruux iyo dhaawaca 75 kale, waxaana falkaasi durba sheegatay kooxda dagaalka kula jirta xukuumadda Ankara ee PKK.

Qaraxa oo aad u xoogana ayaa ka dhacay bartamaha magalada gaar ahaan goob basasku ku hakadaan, waxaana daryanka qaraxa laga maqlay magalada isagoo sameeyay goobo badan iyo gawaari bartaasi ku sugnaa.

Lama cadayn bartilmaameedka weerarka, balse saraakisha Boliiska dalkaas ayaa kusoo waramaya inay doonayeen kooxdan gumaad loo gaysto dad shacab ah.

"Dhammaan tirada dhimashada muwaadiniintayada la dilay waa 27, waxaana dhaawacu maraya 75, iyagoo loo qaaday goobaha caafimaadka si loo dabiibo. Weerarku wuxuu ka dhacay goob basasku istaagaan oo lagu magacaabo Kizilay,"Ayuu yiri Gudoomiyaha caasumadda Ankara.

Dhinaca kale saraakiil la hadlay Reutres ayaa tirada dhimashada ku sheegay 32 iyagoo xusay inay siyaaday geeridu maadama dhaawacyada qaybtood aad u liiteen.

Sarkaal kale oo katirsan Boliiska ayaa ku waramay in gaariga weerarka loo adeegsaday noociisu ahaa BMW, islamarkaana laga soo kaxeeyay magaalo lagu magacaabo Viransehir oo kooxaha Kurdiyiintu ku badanyihiin taasoo ku taalla Bariga dalkaas.

Weerarkaasi kadib waxaa kulan dag dag ah isugu yimi Ra'isal wasaaraha dalkaasi Ahmet Davutoglu, wasiirka Arrimaha Gudaha iyo laamaha ammaanka, waxaana shirkaasi khadka teleefoonka kaga qayb galay Madaxweynaha Turkiga, iyadoo looga hadlay qaabka laga yeelayo weerarada oo dalka Turkiga kusoo badanayay muddooyinkii dambe.

Ilaa hadda warbaahinta looma soo bandhigin wixii kulankaasi kasoo baxay.

Weerarkan ayaa si aad loogu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, waxaana waxyaabaha aadka loo falanqeeyay kamid ahaa sababta Turkiga ugu soo laalaabanayaa weerarada caynkan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM