Turkiga: 80 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay Ankara

Image

10 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya inay dhinteen ugu yaraan 80 qof halka dhaawucu kor u dhaafayo boqol iyo Soddon ruux.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay labo qarax oo lala eegtay boqolaal qof oo isugu soo baxay goob tareenka laga raaco kuwaasi oo ka banaan baxayay khilaafka u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo kooxda gooni isu taaga PKK.

Ilaa hadda cidna ma sheegan qaraxyada dhacay, waxaana dowladdu sheegtay inay baaritaan ku samaynayso sida wax u dhaceen iyo cidda ka dambeysay.

Ra'isal wasaaraha dalkaasi Ahmet Davutoğlu, ayaa kulan dag dag ah isugu yeeray saraakiisha amniga, isagoo kala hadlay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cida falkan gaystay iyo in dowladdu ka hortagto weeraro noocan oo kale ah kuwaasi Turkiga ka dhaca.

Turkiga ayaa ku jiray feejignaan tan iyo markii uu bilowday weerar ka dhan ah ururka ISIS ee ka dagaalamay qaybo ka mid ah dalalka Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM