Turkiga iyo Imaaraadka oo kala saxiixdey heshiisyo cusub

Image
Is-fahamkan ayaa kasoo baxay kulan dhexmaray hogaanka labaddan waddan.

ANKARA, Turkey - Turkiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah kala saxiixday heshiisyo ku saabsan maalgashiga tamarta iyo teknoolojiyadda, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Saxiixa heshiiska ayaa ka dambeeyay kadib wadahadal u dhexeeya madaxweyne Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo ka dhacay Ankara.

Kulanka uu Sheikh Mohammed la yeeshay Erdogan oo todobaad kahor lasii shaaciyey ayaa wuxuu ku yimid booqashadii ugu horreysay oo noocan oo kale ah muddo sannado ah.

Is-aragan ayaa ku soo beegmay iyadoo labada dal ay ka shaqeynayaan hagaajinta xiriirka go’ay kaddib in muddo ah loolan adag oo gobolka u dhexeeyey, iyo iyadoo Turkiga uu ka jiro qalalaase dhanka lacagta ah.

Is-afgaradka waxaa kala saxiixday Abu Dhabi Development Holding (ADQ), Sanduuqa Dhaqaalaha Turkiga (TVF), Xafiiska Maalgashiga Madaxtooyada Turkiga, iyo sidoo kale qaar ka mid ah Shirkadaha Turkiga.

Heshiisyada ayaa muujinaya in udub-dhaxaadka uu yahay iskaashiga dhanka dhaqaale ka dib markii uu dagaal saamayn ku yeeshay gobolka tan iyo markii kacdoonnada Carabta ay qarxeen toban sano ka hor.

Muranka ayaa gaaray bariga Mediterranean-ka iyo gacanka, kahor intaysan Ankara qaadin weerar soo jiidasho leh oo gobolka ah sanadkii hore taasoo ka careysiisay dowladaha Carabta gaar ahaan kuwa Khaliijka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM