Turkiga iyo Shiinaha oo hadalo isku-dhaafsadey shirka UN-ka

Image
Dagaalkan dhinaca afka ah ayaa si gaar ah wuxuu u khuseeyaa dalka colaaduhu la dageen ee Suuriya.

NEW YORK, Shiinaha - Safiirka Turkiga u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo Arbacadii uga yimid Shiinaha oo ku saabsan duqeymaha cirka ee Turkiga uu ku qaaday kooxda PKK laanteeda Suuriya ee YPG/SDF.

Feridun Sinirlioglu ayaa u jawaabay ku xigeenka safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobay Geng Shuang, oo ku eedeeyay Turkiga "in uu si isdaba joog ah uga fuliya waqooyiga Suuriya duqeymo cirka ah iyo madaafiicda, wuxuuna ku hanjabay in uu bilaabayo hawlgallo dhulka ah".

Shuang oo hadalkiisa si weyn u faafay ayaa wuxuu sidoo kale dalbaday in Ankara iyo Israel "si degdeg ah u joojiyaan weerarrada ay ka wadaan dhanka xuduudaha".

"Ma jiro waddan xaq u leh in uu na siiyo casharro ku saabsan dagaalka aan kula jirno argagixisada," ayuu Sinirlioglu u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu raaciyey: "Waan diidnay hadalladii is-xilqaanka ahaa ee aan maanta dhegeysannay, maxaan yeelnaa, maxaan yeeli lahayn annaga oo ilaalinayna xuduudaha iyo ilaalinta dadkeenna".

Sinirlioglu ayaa tibaaxay in go’aanka Turkiga ee la dagaalanka argigixisada uu yahay “mid aan leexleexad lahayn” uuna sii wadi doono in uu qaado tillaabo kasta oo lagama maarmaan "sii uu u difaacdo dadkiisa iyo xaqiijinta ammaanka xuduudaheena".

Isaga soo ii hadlaya, Sinirlioglu ayaa sheegay in in ka badan 500 oo Suuriyaan ah lagu dilay weerarrada PKK/YPG ee waqooyiga Suuriya labadii sano ee la soo dhaafay.

"PKK/YPG/SDF waxa ay caburin ku hayaan dadka ku nool waqooyi bari waxayna wadaan ajande gooni-isu-taag ah," ayuu carabka ku adkeeyay danjire Sinirlioglu.

Wuxuu kusoo xiray: "Taageerida ururkan argagixisada/gooni-goosadka ah iyadoo lagu marmarsiyoonayo la dagaalanka DAESH waxay ka soo horjeedaa qaraarada Qaramada Midoobay ee xaqiijinaya midnimada dhuleed ee waddanka Suuriya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM