​Turkiga: Khilaaf ka dhex taagan xisbigay AK

Image

ANKARA- Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha dalka Turkiga iyo Ra'isal wasaarihiisa, waxaana taasi kaliftay in dhammaadka bishan xisbiga talada haya ee AK uu yeesha kulan dhammaadka bishan. 

Waxay ka arrinsan doonaa qaabka khilaafka labada mas'uul lagu soo afjari karo iyagoo la filayo inay doortaan hogaamiye cusub. Hogaamiyaha xisbiga AK, ahna Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaan la fileyn inuu u istaago dib u doorasho.

Mr Davutoglu ayaa la sheegay inuu si cad u diiday siyaasado kala duwan oo uu wato madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, gaar ahaan qorshihiisa ku aaddan bedelida dastuurka Turkiga. 

Turkiga ayaa gali doona xaalad siyaasadeed, waxaana laga yaabaa inuu saameeyo arrimo kala duwan oo dalkaasi ku aadan gaar ahaan nidaamyo ay wadaan waddamada reer Galbeedka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM