Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

Image

Ankara – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in haddii maanta lagu guuleysto wadahadallada nabadeed ee ka socda magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar, isla markiiba la dhawaaqi doono xabad-joojin rasmi ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Fidan wuxuu sheegay in wadahadallada ay diiradda saarayaan afar qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ah:

1 - Is-weydaarsiga maxaabiista iyo la haystayaasha
2 - Gargaarka bani’aadannimo
3 - Ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza
4 - Xabad-joojin buuxda

Wasiir Fidan wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhamaan wafdiyada ku lugta leh wadahadallada ay si fiican u fahamsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu isku dayayo in uu carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda, balse aysan ogolaan doonin in arrintaas ay dhacdo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli duqeymaha Israa’iil ee Gaza ay sii socdaan, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay ugu yaraan 8 Falastiiniyiin ah, halka 61 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah dadka ku dhibaateysan Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM