Turkiga: Olole loo bixiyey "Hal Qalbi" oo lagu uruuriyay $6.1 milyan

Image
Tirada dhimashada dhul-gariirkii ka dhacay gobalada Turkiga iyo Suuriya ayaa gaartay in ka badan 41 kun oo qof.

ANKARA, Turkey - Tirada dhimashada dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay gobalada koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa korortay iyada oo ay gaartay in ka badan 41 kun oo qof.

Olole loogu magac daray "Hal qalbi" ayaa laga bilaabay idaacadaha iyo Tv-yada dalalka Turkiga, Azerbaijan iyo Qubrusta Turkiga ah.

Barnaamijkaan oo ka baxay 213 Tv iyo 562 idaacadood ayaa lagu aruuriyay dhaqaale gaaraya 6.1 milyan oo dollar waxaana la filayaa in loo adeegsado taageerida dadkii uu dhul-gariirku saameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Turkiga Racep Erdogan uu shaaciyey in dhamaan guryihii iyo xarumihii ku dumay dhul-gariirka ay dib u dhisayaan isaga oo sheegay in ay dowladuna taageero la garab istaagayso.

Dalka Suuriya oo isagana gobalada koonfurta ay dad badan kaga dhinteen dhul-gariirka ayaan wali gargaarku si fiican isula lug helin waxaana ugu wacan colaada halkaasoo ka ooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM