Turkiga: Olole loo bixiyey "Hal Qalbi" oo lagu uruuriyay $6.1 milyan

Image
Tirada dhimashada dhul-gariirkii ka dhacay gobalada Turkiga iyo Suuriya ayaa gaartay in ka badan 41 kun oo qof.

ANKARA, Turkey - Tirada dhimashada dhul-gariirkii dhawaan ka dhacay gobalada koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa korortay iyada oo ay gaartay in ka badan 41 kun oo qof.

Olole loogu magac daray "Hal qalbi" ayaa laga bilaabay idaacadaha iyo Tv-yada dalalka Turkiga, Azerbaijan iyo Qubrusta Turkiga ah.

Barnaamijkaan oo ka baxay 213 Tv iyo 562 idaacadood ayaa lagu aruuriyay dhaqaale gaaraya 6.1 milyan oo dollar waxaana la filayaa in loo adeegsado taageerida dadkii uu dhul-gariirku saameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Turkiga Racep Erdogan uu shaaciyey in dhamaan guryihii iyo xarumihii ku dumay dhul-gariirka ay dib u dhisayaan isaga oo sheegay in ay dowladuna taageero la garab istaagayso.

Dalka Suuriya oo isagana gobalada koonfurta ay dad badan kaga dhinteen dhul-gariirka ayaan wali gargaarku si fiican isula lug helin waxaana ugu wacan colaada halkaasoo ka ooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM