Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Image

Ankara – Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Türkiye ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in ciidamada Israel ay weerar ku qaadeen Milateriga Türkiye ee ku sugan dalka Suuriya, iyagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo "aan sal iyo raad toona lahayn" isla markaana "aan xaqiiqda ku salaysnayn."

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Khamiistii, ayay Türkiye diiradda ku saartay weerarkii Israel ee ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar, taasoo ay ku tilmaamtay caddayn muujinaysa in Tel Aviv ay argagixisanimada u qaadatay siyaasad dowladeed oo ku dhisan colaado iyo diidmo nabadeed.

“Waxaan si buuxda u garab taaganahay Qatar oo ay weerarkan si cad ugu xadgudbeen madax-bannaanideeda,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Türkiye.

“Weerarro hubanti la’aan ah”

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel, iyadoo ka digtay in haddii aan la joojin, weerarradeeda "hubanti la’aanta ah" ay khatar weyn gelin karaan nabadda Bariga Dhexe oo dhan.

Weerarka cirka ee Israel ay ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Hamas oo ku sugnaa Doha, ayaa horseeday cambaareyn ballaaran, iyadoo lagu tilmaamay ku xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Qatar iyo sharciga caalamiga ah.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ku dhintay shan xubnood oo ka tirsan Hamas iyo askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Qatar. Kooxda Hamas ayaa xaqiijisay in hoggaankeeda sare uu ka badbaaday weerarkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM