Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Image

Ankara – Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Türkiye ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in ciidamada Israel ay weerar ku qaadeen Milateriga Türkiye ee ku sugan dalka Suuriya, iyagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo "aan sal iyo raad toona lahayn" isla markaana "aan xaqiiqda ku salaysnayn."

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Khamiistii, ayay Türkiye diiradda ku saartay weerarkii Israel ee ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar, taasoo ay ku tilmaamtay caddayn muujinaysa in Tel Aviv ay argagixisanimada u qaadatay siyaasad dowladeed oo ku dhisan colaado iyo diidmo nabadeed.

“Waxaan si buuxda u garab taaganahay Qatar oo ay weerarkan si cad ugu xadgudbeen madax-bannaanideeda,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Türkiye.

“Weerarro hubanti la’aan ah”

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel, iyadoo ka digtay in haddii aan la joojin, weerarradeeda "hubanti la’aanta ah" ay khatar weyn gelin karaan nabadda Bariga Dhexe oo dhan.

Weerarka cirka ee Israel ay ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Hamas oo ku sugnaa Doha, ayaa horseeday cambaareyn ballaaran, iyadoo lagu tilmaamay ku xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Qatar iyo sharciga caalamiga ah.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ku dhintay shan xubnood oo ka tirsan Hamas iyo askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee Qatar. Kooxda Hamas ayaa xaqiijisay in hoggaankeeda sare uu ka badbaaday weerarkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM