Turkiga oo cananatey wargeys sawir-gacmeed ka faafiyey Erdogan

Image
Farshaxankan ayaa muujinaya madaxweynaha Turkiga oo koronto ku qabaneyso suuli isagoo qaawan.

ANKARA, Turkey - Turkiga ayaa si kulul u canaantey wargeyska laga leeyahay Faransiiska ee Charlie Hebdo kadib markii uu faafiyey sawir gacmeed muujinaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo qaaban isla markaana koronto ay ku dhex-qabatay qeybta qubeyska ee suuli.

Majaladda ayaa sawir-gacmeedkan waxa uu kusoo daray nuqulkiisa Arbacadii, saddex maalmood ka dib doorashadii Turkiga taasoo haatan loo balamay wareeg labaad markii coddeyntii koowaad lagu kala bixi waayay.

Dhowr mas'uuliyiin Turki ah ayaa ku dhaleeceeyay sawir-gacmeedka jariradda iyada oo Erdogan uu isku diyaarinayo inuu u tartamo wareegga labaad ee dhammaadka bisha si uu u kordhiyo 20-ka sano ee xukunka.

"Wargeysyadda sida Charlie Hebdo, oo dhiirigelintooda kaliya ay tahay inay nacayb ka dhan ah Islaamka ay faafiyaan, waxay sii wadaan inay si cad u beegsadaan madaxweynaheenna Erdogan sababtoo ah waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ugu saameynta badan waqtiyada casriga ah," ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Turkiga, Fahrettin Altun.

Altun ayaa intaas ku daray: "Kuma dhici doonno dabin-kooda, laakiin waxaan sii wadi doonnaa in aan daaha ka feedno nacaybkooda ay isku dayayaan inay ka dhex-iibiyaan xorriyadda hadalka".

Sawir-gacmeedka oo lagu daabacay bogga koowaad ee joornaalka ayaa lasoo raaciyey qoraal ahaa "Erdogan: Sida Cloclo, qaddarka kaliya ayaa ka naga takhalusi isaga!"

Cloclo waa naanaystii fannaankii caanka ahaa ee reer France, Claude Francois, kaas oo dhintay sanadka markii uu ahaa 1978-kii ka gadaal markii ay koronto qabtay isaga oo isku dayaya in uu nalka u hagaajiyo saxanka qubayska ee musqul, waxaana geeridiisa ka dhashay maalmo baroor-diiq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM